Sheeko :- miyaad arag Qaybtii 2aad

0
Thursday December 22, 2022 - 11:04:25 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 857
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Sheeko :- miyaad arag Qaybtii 2aad

    Waa Sheeko Taxanaha ah Oo Aad La Socon Doontaan Hadii Alle Idmo Si Maalin La'ah

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waa Sheeko Taxanaha ah Oo Aad La Socon Doontaan Hadii Alle Idmo Si Maalin La'ah


Malable waxa ku farabatay dhegihiisii dhawaaqa magaciisa malable waxa uu is ku yidhi hubso isaga oo naftiisa la hadlaya hadana waxaad moodaa naanaysta malable .


Ku darsoo waxay u eegtahay gashaantidii cadar ee ay haasaawe wadaaga iyo geed fadhiisiga wadaagi jireen malable waxa uu afka saaray xagii codadku ka baxayeen isagoo u riyaaqaya doonaya inuu jaan dheer rido hadii ay dad dhawr ah is helaan , balse nasiib xumo waxa ay isha isku dhufteen libaax dhedig , mid lab iyo kuwii kadaba quudan jireyboqorka kaynta ,



waxaanu ogaadey incodkii naanaystiisa ku dhawaaqeyey ay ahaayeen kuwan oo codadkoodii isku daray sidoo kalana uu waraabe baasha kaga jiro oo uu hareero raacayo ,


libaax yadu waa libaaxyo aad u gaajaysan sidoo kale meeshu waa meel cidlaa oo ma haysto cid uu u dhawaaqo oo uu qayla dhaan u dirto si looga rido cadawga soo weeraray balse maaha malable ni kashiisa galiyey in uu cid qayla dhaan u dirsado ama baqdin gasha maxaayeelay waxa uu usoo joogay dagaalo fara badan oo ka dhaxaysa bahalo iyo isaga sidoo kale malable waa inan murqaha uu leeyahay iyo xooga uu leeyahay ay yihiin kuwo ka adag jirid , hubka uu sitaana uu yahay budh , tooray fiiqan oo af dhuuban , iyo bidh .


Malable markii uu arkay inay ku soo waajahantay xaalada dagaal waxaa uu dhulka daray gacantawaxaanu soo rujiyay xantoobo caws qalalan ah waxa uu hoos tagay geed weyn waxaanu ka jabsada laba qori oo qalalan waxaanu shitay dab markii uu iska diyaar garow dhamaystay waxa la sugaba waxa gaadhay libaaxyadii waxaanay ku war-wareegeen geedkii malable joogay iyagoo ka baqaya dabka


 

raadinayana meel ay ka galaan malable oo ay dagaalka ka bilaabaan muddo markii ay isdaba wareegaan ee ay marba dhinac kaga wareegaan waxaa xal noqotay in malable uu ku dayo libaaxa heshiis isagoo u badinaaya inaanu aqbalayn maxaa yeelay waa libaaxyo gaajaysan malabe waxa uu ku xariiqay dhulka fartiisa isaga oo saddex xariijimood ku dhigay balse filasho wacan isla markiiba lubaaxu waxa isna dhulka


 

ku xariiqay saddex kale layaab ! " ma garanaayo saddexda xariijimood balse waxaa la dhahaaa waa dalbasho nabad galyo iyo aqbalid iyo dalbasho nabad galyo ” waxaa madaxyada la ruxaba libaaxyadu waxay sii wateen raadinta wax ay quutaan balse malable waxaa ka da’aya dhidid qooyay budhkii uu


sitay sidoo kale dhidid qooyay qoortiisa malable marba marka ka danbaysa waxa uu sii eegayaa libaaxyadii libaax yaduna xoogaa marka ay socdaan waxa ay soo eegayaan malable markii ay kala libdheen malable waxa uu watay socodkiisii muddo markii uu socday malable waxa uu ka baxay kayntii jiqda ahayd waxaanu galay dhul ay reero degan yihiin.


 

La soco qaybta 3aad


W/Q/ Cabdiraxmaan Cabdilaahi Xassan


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...