Qalbi aamusan

0
Thursday December 22, 2022 - 11:02:29 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 769
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qalbi aamusan

    Badanaa inta u baahan in la wareysto, la su'aalo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Badanaa inta u baahan in la wareysto, la su'aalo


Badanaa inta wejiyo iftiin badan dhabanka foolkooda laga dhaashado se quluubtoodu kharaab la yihiin xiiso ku kaliyoobey.

Badanaa inta qosolkoodu dad dhibo maalinkii se habeen dhamaantii barkintoodu la qoyan tahay oohintey miciinbideen.


Badanaa inta u baahan sheeko, wehel, daryeel, diirnax, iyo weliba daneyn badan se quus ka gaadhey aaminaad bulsheed.

Badanaa inta u baahan in la wareysto, la su'aalo, dareemahooda lasoo guro se cidiba aysan dhibtu korkooda ka muuqanin.

Badanaa inta ku dhex dagaalamayaan qalbi dheymo u baahan iyo maskax rabta iney iska indho-tirto wixii helay.
Badanaa inta nolosha hammi ka yeeshay yididiilo iyo yool fogna sameystay se waayuhu dabreen oo waayry garab-jooge buuxa.

Badanaa inta muxibadu samada geysay hawada sare kasoo cabey se dambi la'aan dhulka loogu tuurey kabniina weli aan helin.


Badanaa inta dulmi loo geystay heli waayey garyaqaan u dooda.
AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...