Ethiopia waxa ay heshay Layladul Qadri WT: Axmed-xiis Dharbaan
Xukumaddii ugu horaysay USA ee uu hoggaaminayey George Washington,
waxa ku jiray laba nin oo dhanka
horumarka iska soo horjeeda. Jefferson - xoghayihii dibadda - waxa uu
tageersanaa wax-soo-saarka beeraha; waxa uu xaddiidi rabay awoodda
dawladda dhexe; mana uu tageersanayn warshadaha. Hamilton - xoghayihii
maaliyadda - waxa uu la dhacsanaa nidaamka dawladda Britain; waxa uu
tageersanaa warshadaha.
Maraykanka oo calanka u sida waddamada la yidhaa anna-waykan - latecomers - ee dhanka warshadaha, waxa ay ku nabad iyo caanno maleen aragtidii Hamilton. Maraykanku waxa uu dhisay warshaddo ka cawaandisan kuwii waddamadii hormuudka ahaa - Britain, France iyo Germany.
Waddamada ku najaxay shaxda Hamilton, waxa ka mida dalalka la yidhaa shabeellada Aaasiya, sida ay qabto macalimadayda dhaqaalaha - Alice Amsden. Waxa markii dambe ka macaashay aragtidaa Shiinaha. Hoggaamiyihii iskii wax isu baray ee Meles Zenawi ayaa aragtidaa ka dhaqan galiyey Ethiopia.
Laylatul-qadriga dhaqaajiyey dhaqaalaha Ethiopia ayaa ka bilaabma warshadaha sibidhka. Warshadaha sibidhka ee Atoobiya waxa kaw ay baajiyeen lacag addag oo Atoobiya uga bixi jirtay banaanka. Sibidhku sidoo kale waxa uu noqday il shaqo abuur.
Sida uu ku doodaya Arkebe Oqubay oo ah la-taliyaha Aby Ahmed, warshadaha sibidhku, waxa ay raad ku yeesheen dhismaha dalka. 1,384 shirkadood oo ka shaqeeya dhismaha ayaa hirgalay 2008-9kii. Suuqa dhismaha ayaa hal mar cirka isku shareeray, waxaana ka shaqo galay 252 977 ruux. Qalabka dhismaha ee ciiddu ka midka tahay waxa ka shaqo galay 86 279 qof.
Haayadda dawladda Atoobiya u qabilsan guryaynta ee la yidhaa IHDP waxa ay shaqalaysiisay 193 000 ruux halka haayadda wadooyinku ay qaadatay shaqaalle gaadhaya 373 800.
Nicmadda sibidhku ma ay noqon oo kaliya shaqo abuur iyo hoy dhisid ee waxa Ethiopian-ka u baaqday lacag badan oo kaga bixi jirtay kiro iyo safaro dhadheer oo ay ugu laaban jireen hoygooda. Waana sababta ay haayada UN Habitat, ugu tilmaantay siyaasadda Atoobiya ee la xidhiidha guryaha MUCJISO wadata qanniimad.
Warshadaha sibidhka, sharaa'iga dhismaha, haayadda guryaynta, maamulka iyo maraynta hal mar isla hellay jaanta, waxa laf dhabar u ahayd siyaasadda dawladda ee ku jihaysay kacaanka warshadaha ee ka hanaqaaday Atoobiya.
30k oo guri ayay haayadda IHDP sanaddii kowaadba ka hirgalisay Arda Sababa. Qaranka oo dhanna 900k ayaa ay fulisay IHDP iyada oo ka duulaysa barnaamijka shan sanadoodka ah - PASDEP.
32 Jamacadood ayaa ay dhistay dawladda Ethiopia halka 1k xarumo caafimaad ay fulisay xukumaddu. Wuxuba waxa ay ka dambeeyaan laylatul-qadrigii sibidhka.
2011kii Atoobiya waxa ay liqday 1M oo tan oo sibidh ah, markaa ayaa ay u baahatay sibidh ay banaanka kala soo dagto. Shirkadda laga leeyahay Nigeria ee Dangote ayaa waraabisay baahidii sibidhka ee lasoo daristay Atoobiya. Hadda waa ay dabooshay Atoobiya baahidii sibidhka, waxa ayna safka hore kaga jirtaa waddamada dhoofsha sibidhka Afrika.
Sibidhkii dhaqaajiyey dhismaha iyo wadooyinka Atoobiyo, waxa uu hadana sii abuuray 13 jamacadood oo si gaar ah loogu barto tegnoolojiyadda, project managment-ka iyo shaqooyinka la xidhiidha warshadaha sibidhka iyo dhismaha.
Waxa shaqo hellay injineeradii waddanka, naqshadlayaashii waddanka, waxa abuurmay xafiisyo qaabilsan talooyinka. Tijaarta Atoobiya ayaa lasoo dagay cagafyada qoortoodu u shaqayso sida galowga/ciyawga. Haayadda GTZ ayaa iyana ka saaciday dhanka farsamada gacanta.
Siyaasad wanaagga ay cayaartay xukumadda Atoobiya waxa ka mida 27% miisaaniyadda dalka in ay u leexisay waddooyinka. Hayadaha macaashka ka helay faa'idada sibidhka waxa ka mida sharaa'iga dhaliya tamarta.
Made in Africa waxa uu ka faalloonaya oo kale warshadaha hargaha ee Atoobiya oo uu xusayo shaqo abuurka iyo macaashka ay kusoo biiriyeen Atoobiya sanadihii ugu dambeeyey. Qoraaga ayaa qawadsan macaashka hargaha, waxa aanu sheegayaa in Vietnam oo ay isku dad yihiin, kana xoollo badan yihiin ay hargaha ka samaysay £10B sanadkii 2010. Waxa hargaha Vietnam ka shaqa gala in ka badan 600 000 oo ruux.
Qoraagu waxa uu sheegayaa in warsahdihii sibidhka ee markii hore ay gacanta ku haysay dawladdu ay hada ku wareegayaa gacmo gaar ah, si buu yidhi, ganacsigu isu dheeli tiro. Qoraagu waa nin cabsan biyaha dhanaan ee badda - Salt water Economist - waxa aanu la dhacsan yahay dawladdu in ay hormuud ka noqoto siyaasadda dhaqaalaha ee dalka gaar ahaan ta warshadaha.
WT: Axmed-xiis Dharbaan
[email protected]

France
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...