Galabtii cuddooneyd Waxaa Qoray Khaalid Khaliif

0
Wednesday December 21, 2022 - 13:11:42 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 937
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Galabtii cuddooneyd Waxaa Qoray Khaalid Khaliif

    Waxa agteyda jooga dhalinyaro hadduun daanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxa agteyda jooga dhalinyaro hadduun daanka



Amintu waa casar gaabad cadceedu madaxa la gashay godkeedii weli cassaanka iyo casuuska isku dhafan ayaa kasii muuqda gabo-gabada maalinimada. Waxa dhaceysa caraf udgoon iyo leydh yara qaboow oo ka imaneysa figta sare ee buurta aan ka korreeyo.


Ishaarta indhuna waxey ka bogonayaan saqafyada guryaha ka hooseeya kuwaas oo leh midabo kala gedisan guudka kore waxa dhextaal u ah geedaha kooxiba ay meel ku shirayaan midabkooda cagaaran ayaa bu'da madow si toos ah u soo jiidanaya.



Waxa agteyda jooga dhalinyaro hadduun daanka timo kasoo yaaceen oo ila qeybasanaaya neecowda hadheysay korkeyga.anigu gooni ayaan uga baxsaney sheekadooda dhagteyduna wey la socotaa hadalka iyo guuxa dhawaaqooda.


Gudaha laabteydu waxey milicsaneysaa dareemo hore oo qurux badnaa maskaxdu waxey gorfayneysaa quruxleydii dheehoodu ifin jirey kashayda indhaha ayaan kolba isku nabayaa sida iney i horjoogto ayaad mooda midabkeedu waa mariin madow dhalaal badan xiga ma dheera waa meel dhexaad ku habboon habsiinta iyo dhageysiga garaaca wadnaha neef dheer ayaan dib u qaatey mar kale ayey isoo hor istaagtey jamaal wacantaan haweenka ka jantey waxey ii kaxeysay kulankii koowaad iyo markaan indhaha isku dhufaney waa milay salaad makhrib gabo-gabo tahay dhulkana uu iftiimanayo qorraxda ileyskeedii libdhey.


Salaan deg-dega iyo fool furnaan qurux badan ka dib waxaan soo dhex jibaaxney magaaladii ay deganeyd waxa is dhaafaya kudh-kudhleyda loo garan ogyahay bajaajta/tikga waxaan isla soo korney midka mid ah intii na hareero ordaysey qosol gaaban iyo gaws muujin ayaan ku dhameysaney intan fuushaneyn.ruuxda igu jirtaa i leh bidhaami dareenka aan u qabo waxa se diidan oo dood adagna i hor keenaya maanka igu dhexnool waa kadis igu cusub oo wuxuu ku tiraabayaa degelka aad joogto kuma habboona dib dhigo muxibadaada. Wuu saxnaayo buuqa iyo sawaxanka aad moodo mishiin la istaadhey ayaa dhagahayaga aad ugu soo dhacaya.


Mar kaley ayey fikir badan fayo qabtii korka iga saarneyd waa maskaxdee ii sawirtey habeen ka mid ah habeenadeydii wacnaa waxa dhaceysay dhaxan iyo qadh-qadh yar oo aan aad u badneyd waxa aan fadhiney kaabad ku taal kuryo midiba meel gooni isku taagey agtooda waxa aan ku kaftameyna sheekooyin hore oo isoo marey faraxsan waxey qosolkeeda iigu jiibineysaa sheekadeyda iyo taariikh hore oon lahaa. Intaa kolkaan maraayey ayaan dareemo cusub fariimo la igu soo direy waa xiiso iyo kalgaceyl kala fogaadey hadana wali xididadoodu gunta hoose ku aasan yihiin. Waxey gocotey laabtu subaxaan u jarmaadi lahaa dhankeeda anagoo faraha gacmaha is weydaarsaneyna soo wada noqon laheyn.


Gadh madoobayaashii ayaa ku qayliyey magacuu ii bixiyey mataankii kor iiga weynaa iskuna xigney. Iyagoo ku hadaaqaaya inakeen aynu laabanee waa la gaardhey amintaan hoyan laheyne. Nafta oo sii jeclaysaneysa sii fadhiga goobta iyo falaqeynta sawiradii qurxoonaa ee gacaltooyada aan naf la qaybsiga wacadka ku galney ayaan kasoo luudey figtii ka dibna soo fuulney baabuur aanu wadaney.


Khaalid Khaliif

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...