Sida loo kala aqli badan yahay ayaan ku sharixi doona sheeko yar oo aan ku tusaaleyn doono Dibbi iyo dameer.
Dibbigii ayaa qaatay taladii oo sidii sameeyey kadib
![]() |
Reer ayaa waxaa ay haysan jireen Dibbi iyo dameer labadaas ayay ku shaqaysan jireen hase ahaatee labada xawiyaan waxay inta badan isticmaali jireen dibbiga isaga ayaa la rari jiray 6 maalin halka maalinka jimcaha dameerka la isticmaali jiray.
Dameerkii ayaa yiri waxaan ku siinayaa halo wangsan waxaad samaysaa caawa cashada markii naloo keeno ha cunin ka saxee wax xanuunsan iska dhig kadib berri markii la gaaro Halla arko inaadan xalay cashayn oo aad xanuunsan tahay.
Dibbigii ayaa qaatay taladii oo sidii sameeyey kadib subaxdii markii la gaaray ayaa la arkay in dibbiga uusan xalay cashayn oo uu xanuunsan yahay reerkii ayaa yiri dameerka hala soo saaro ha halagu shaqeeyo madama dibbiga xanuunsan yahay.
Dhawr maalmood kadib dameerkii ayaa dareemay culeys iyo daal wuxuuna go'aansaday inuu dibbiga Dib ugu soo celiyo shaqada in badan oo uu fikiray kadib wuxuu helay qorshe macaan kadib ayuu u yimid dibbigii wuxuuna ku yiri War sxb maanta aqbaar laga naxo
Baan kuu wadaa maanta markii aan suuqa joogay ee la I rarayay Ayaan odayga guriga ka maqlay isagoo nin ku leh dibbigii wuu xanuunsaday ma shaqayn karo sidaa darteed waan qalanaynaa, marka sxb intaan lagubqal8n beri shaqada diyaar u noqo caawa si wacan u cashee isku darso cashadayda iyo taada.
Dibbigii intuu ka baqayay qalliin ayuuba subaxdii Ready noqday oo la arkay isagoo xayyi ah awoodna ka muuqato
dameerkiina sidii ayuu kusoo ceshtay nasiinadiisii




Jaahilnimadu waa adigoo qoraalka dheer dhamaystay kadibna mudnaantiisa ka tagay.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...