"Sideen u ayaan u samaysan karaa caado akhris?.
Dhalinyaro badan oo soomaaliyeed ayaa jira oo su,aalo badan maankooda ka guuxaya oo raba inay ku soo biiraan caalamka akhriska laakiin marka ay bilaabaan ay ku adag tahay inay sii wadaan caadadaas hadaba dhalinyaro ayaa isoo waydiinasa inaan kasoo hadlo mawduucaas waxan halkan kusoo gudbinayaa insha Allah taaloobooyin aan is leyahay waxay muhiim u tahay qofka bilabaya hawshaas.
1- inta aanad bilaabin akhris is waydii maxaa igu riixaya inaan bilaabo akhriska? Marka aad si daacada uga jawaabto su,aashaas adiga oo aan iska jaabayn ee xaqiiqada is kala hadlaya jawaab taada ku qoro meel oo kaydso qor sababa dhawra oo akhrisku naftaada mihiim ugu yahaya sababaha adigu is salee.
2- Qodobka kale ee aan la yaraysan karini xiliga labilaabayo caadada akhriska waa dadka kugu xeeran ee aad asxaabta tihiin markii aan bilaaba yay caadadan aniga oo wali iska bilawa waxa aan lasaaxiibay dad aad u daneeya hawlaha akhriska waan xasuustaa buuggii ugu horeeyay ee aan dhameeyo waxa whatasapp iigu soo diray nin aanu saaxiib ahayn halkaas ayaan ka bilaabay caadadan.
3- akhri buugg aad is leeg tihiin! Sida dad badan ku dhacda xiliga ay bilaabayaan caado akhriska ee ay ku dhacday inay sii wadi waayaan waxa ka mida inay ka bilaabaan buugaag aad uga sareeya heerka uu kaadhsiisan yahay ogaalkooda aqooneed hab fikir ahaaneed hadaba ku bilow mawduuc aad marka aad dhamayso buugga aad is odhan karto faa,iido ayaa ka heshay kuna bilow buugg kooban aad dhamayn karto inaad buugg dhamaysaa waa muhiim marka aad doono caado akhris.
4- sida dhacda badanaa marka qofku samay sanayo caadi akhris waxa laga yaabaa inuu ka heli waayo buugga uu hadda gacan ku hayo hadaad buugga ka heli waydo iska dhaaf inaad buugga iska dhaafto ma,aha mid sheegasa inaad akhriska ku fashilan tahay ogow buugaagta isku si looma abuurin iska dhig muugga aad is tidhaahdo kumuu qancin waana caado caan ka ah akhrista Tayaasha adduunka aan joogno
5- iska jooji dhaqan ka ah inaad naftaada ku tobobarto inaad akhrido maqaalada gaagaban ee lagu soo gudbiyo fecebook oo aad ka wahsato akhrinta maqaalada lagu soo gudbiyo warbixinaha dhaadheer waayo waxay kugu dhiiri galinayaan inaad akhrido qoraalo dhaadheer oo aad sidaa kugu fududaado akhriska, akhriska waa waddo loo maro hadaf
6- inaad dhigato buugaagta qolkaaga aad seexato waayo mar kasta oo aad xasuusta buugga inaad akhrido ayaad isku dayasaa anigu buug kasta oo aan kasoo iib sado maktabada waxa aan dhigtaa halka la siman madaxayga qof sidaa samaynaya waa qof ka aan lahayn goob akhris ama maktabada giri.
Lasoco qaybta xigta insha Allah
Filasho page
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!