Madaxweyne: Sidee Loo Caddayn Karaa Inay Dembiileyaal YihiinSuxufiyiinta iyo Siyaasiyiinta Xidhani? W/Q Siciid Maxamuud Gahayr
15kii Juun 2019ka ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane
Muuse Biixi Cabdi oo furaya imtixaannada qaranka la weydiiyay suaal ku
saabsanayd in uu soo badanayo xadhigga siyaasiga ahi, waxaanu yidhi
"Xadhig siyaasi ah maaha, xadhiggii dembiilaha ayaa badanaya.
Dembiilahana waa la xidhayaa. Ninkii dembi gala ha odhan waa siyaasi.
Siyaasiga ayaa dembi geli kara, dhakhtarka ayaa dembi geli kara, adiga
oo suxufi ah ayaa dembi geli kara, ganacsadaha ayaa dembi geli kara.
Qofkii dembi gala waa la qabanayaa si dalku hore ugu socdo”.
Waxa xidhan laba siyaasi oo kala ah Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool
oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, Guddoomiyaha Garabka
Dhallinyarada Waddani Md Maxamed Siddiiq Cabdillaahi iyo Suxufi
Cabdimaalig Muuse Coldoon. Dhammaantood waa eedaysanayaal, mana jiro
dembi ay maxkamadi ku caddaysay oo lagu xukumay. Ma ogi dhakaatiir
iyo ganacsato xidhan, oo iyagana madaxweynuhu sheegay in la xidhi
karo.
Weydiimahan ayaa yaalla:
1. Markaas miyaanay gef ahayn in madaxweynuhu ku sheegi dembiileyaal?
2. Hadalka madaxweynuhu miyaanu gef ku ahayn madax-bannaanidii
garsoorka ee uu kaga hadlay Shirkii KULMIYE ee Boorama 26kii Feberweri
2019ka?
3. Xukun kasta oo ay maxkamaduhu ku ridaan saddexdaas muwaaddin, saw
lama odhan karo waa mid siyaasi ah oo lagu xurmeeyay rabitaanka
madaxweynaha?
4. Ma la odhan karaa qaraarka ay maxkamaduhu soo saari doonaan, waa la
sii garan karo oo raacaya hadalka madaxweynaha?
5. Haddii madaxweynihi raggan dembiileyaal ku sheegay, maxay macno
samaynaysaa inaynu dhegaysanno eedda xeerilaalinta, garnaqa maxkamdda
iyo difaaca qareennadu?
6. Ma kas ayuu Madaxweynuhu sharciga ugu tuntay mise kama?
7. Keliya saw maaha inaynu sugno inta sanno ee la dhaadhicinayo mid walba?
8. Sidee loo sixi karaa gefkaas badheedhka ah ee madaxweynaha?
9. Miyaanay ahayn inay is-casilaan qareennada u doodaya muwaaddiniinta
xidhan ee madaxweynuhu ku sheegay "dembiileyaasha”?
10. Xisbiyada iyo saxaafadda ay ka tirsan yihiini miyay kalsooni ku
qabaan garsoorka dibadda laga sheegayo goaan aanay gaadhin weli?
Hadalka Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu isoo xasuusiyay laba
dhacdo oo kala ahaa 2016kii iyo 2017kii. Waxa aan 15kii Abril 2017ka
daawaday Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Somaliland Sarreeye
Guuto Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle) oo ka jawaabayay eedaymo uga
yimi Xoghayahii Caddaaladda Xisbiga Waddani imakana ah Af-hayeenka
WADDANI Hal-door Barkhad Jaamac Xirsi, kuwaas oo ku saabsanaa Xadhigga
Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada Waddani Md Maxamed Siddiiq
Cabdillaahi iyo Xoghayaha Ciyaaraha Xisbiga Waddani Md Yoonis Axmed
Yoonis.
Taliye ku-xigeenku isaga oo xadhigga ka hadlayay waxa uu yidhi "laba
nin oo dembiileyaal ah baanu xidhnay”. Weli markaas ma aynu arag
go’aan maxkamadeed oo masuuliyiintan ku heshay dembi. Waxa ay ahaayeen
eedaysanayaal, eedda xeer-ilaalintuna ma aha dembi. Hadalkiisaas waxa
aan ka leeyahay "illeen hadal ‘ax’ kuma yidhaahdo”. Mar kale waxa uu
yidhi "Ama annaga ayaa dembiileyaal noqon, ama iyaga ayaa dembiileyaal
noqon”.
Haddii siyaasiyiintaas lagu heli lahaa dembi, waa la garanayaa habka
ciqaabtooda loo marayo. Haddii se wax dembi ah lagu waayo, waa ayo
cidda la xisaabtamaysa ciidanka booliska ee caadaystay ku-tumashada
xuquuqda muwaaddiniinta?
Waxa ay ahayd 20kii Ogos 2016ka markii ay xabsiga ii taxaabeen
ciidanka Booliska Somaliland, toddoba cisho kaddib oo 27kii Ogos
2016ka ah ayuu xadhiggayga ka hadlay Af-hayeenka Ciidanka Booliska
Somaliland Gaashaanle Sare Faysal Xiis Cilmi, hadalladiisa waxa ka mid
ahaa "Ninkaasi waxa cad in uu dembi galay sida uu qabo xeerka habka
ciqaabtu. Ninkaasi dembi cad ayuu galay, caddaymo buuxdana waa loo
hayaa, markhaatina waa loo hayaa”.
Hadalkiisa waxa buriyay go’aankii Maxkamadda Gobolka Maroodi-jeex ay
soo saartay 15kii Oktoobar 2016ka oo lagu caddeeyay in aanan wax dembi
ah gelin. Aaway caddaymihii la ii hayay?. Marka ay sidaas tahay waxa
aan Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Somaliland weydiin lahaa
"Haddii aan dembiile noqon waayay, waa ayo dembiiluhu?”.
Mar kale af-hayeenku isaga oo ka hadlaya xadhiggayga waxa uu yidhi
"Ninkaas la leeyahay Siciid Maxamuud Gahayr waxa uu la shiray
dadweynihii laga raray Masallaha Hargeysa, waxaanu ku guubaabiyay in
ay dib ugu soo noqdaan garoonka, si nabadgelyo darro ay halkaas uga
sameeyaan”. Weedhanina waa deelqaaf qaawan iyo ged ay u badheedheen
ciidanka Booliska ee uu metelayay Af-hayeen Faysal Xiis Cilmi. Marna
lama shirin dadka ay dawladdu dhulkooda qaramaysay. Marka ay sidaas
tahay, miyaanu masuulkani u qalmin in la guddoonsiiyo shahaadada
caddaalad-darrada?
Sadarro ka mid ahaa tix aan xabsiga ku tiriyay oo fal-celinaya
gurracaas afka iyo addinkaba leh ee la igula kacay ayaa ahaa:
Inkastoo la buunbuuniyoo, beenta lala yaaco
Xaqiiqada wixii baal-maraa, waa bar-kuma-taalle
Inta uu bannaan-baxay shacbigu, "buuqa” maan odhanne
Sida uu bilayskeennu yidhi, baaddil maan wadinne
Boobkiyo dhacaan diiddanaa, baahay waayadane
Intii baylah ii muuqatiyo, boogo maan dedine
Ummaddaa la bara-saaray baan, "baanta” leeyahaye
Hafarka iyo wanjalkaas oo aan ka dhegaysay Radio Hargeysa isla
maalintaas uu hadlay af-hayeenku boolisku, waxa uu ahaa mid aanan
jeclaysan. Waxa uu igu kellifay inaan ku gacan-saydho waanwaan la
rabay in aan ku soo baxo, haddii aan ku soo baxo wada-hadal, dammaanad
iyo heshiis aan saxeexana waxa la ii arki lahaa dembiilihii ay
sheegayeen ciidanka boolisku. Taas beddelkeeda waxa aan ku adkaystay
in maxkamadda aanu isla galno ciddii ay markaas dacwaddu naga
dhexaysay.
Waxa caddaan noqotay in aan dulmi ku xidhnaa 88 cisho. Mana dhicin in
cid kale loo ciqaabo gabbood-falka la igula kacay. Haddaba sidee ayaa
loo caddaynayaa in ay ciidanka Boolisku dembiileyaal yihiin? Halkee
ayaa dacwad looga gudbin karaa?
Madaxweynaha Somaliland waxa uu marar badan qiray xadhigga siyaasiga
ah ee dhibta leh, kaas oo ka mid ahaa waxyaabihii uu halganka SNM ugu
biiray 1986kii. Waxa kale oo uu cambaareeyay xadhig Madaxweyne Cigaal
IHUN kula kacay salaaddiin 2001da, sidoo kale waxa uu taageeray in
Cabdilaahi Abokor Cismaan Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta
Waddooyinku rasaas uga jawaabo ciidan boolis ah oo gurigiisa ugu
dhacay 2014ka oo xidhay.
Markaas madaxweynuhu midkee ayuu sax yahay shalay iyo maanta?
Siciid Maaxamuud Gahayr (Hargeysaawi)
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...