Dariiqa baraaruga (Awareness path)
Warcelin - feedback
- Taariikh - history
- Xilli-xaadirka - current time
- Mustaqbalka - future
- Yaad Noqon? -who you will become?
————————-
WARCELIN/ FEEDBACK
Waxaad u baahantahay in aad xaqiiqda arrimaha ku dhistid si aad u sameysid go'aanno fican, adduun iyo aakhiroba.
Taasina waxay macquul noqonaysaa marka aad tahay qof maskax furan oo u diyaara in runta loo sheegi karo - khaasatan haddii aad tahay madax.
Qofku marka uu madax noqdo oo uu awood yeesho, maamulo hanti badan, in badan oo dadka ku hareeraysan ka mid ahi waxay noqonayaan "YES MEN" hiinraacyo: Tusaale"Hebelow, ka warran haddaynu labadeennu ilaa Sweden u dabaalanno?" "Wallaahay guddoomiye waa feker fican oo marka
aynu gaadho Sweden-na dad badan ayaa ina soo dhaweynaya, taa anaa huba!" Waxaan sheeko ku maqlay markii dagaalkii 1977 ee Soomaaliya iyo Ethiopia dhex maray dhammaadey, guuldarana Ku dhamaaday , waxaa madaxwaynihii Soomaaliya ee xiligaa u yeedhay golihisi oo u sheegey in uu ka fekerayo in uu iscalo.
mar haddi aan ahaa madaxweynihii, guuldarradan weynina timi. Waxaa la sheegay in ay kooxdiisii moodeen in uu baadhayo bal cidda la jirta iyo cidda aan la jirin. Sidaana waxay ku gacan saydheen fekerkiisi ahaa iscasilada, qaarna weyba baryeen in uu sii joogo.
Waxaa kale oo la sheegay in kuwa sidaa samaynayay , badankoodu necbaayeen oo ay aad u jeclaayeen in isbeddel dhaco. Markaa haddii hoggaamiyaha laga baqayo lama siiyo warcelin saxan. Haddii warcelinta lagaala bakhaylana waad lumeysaa, inta badan.
Kelitaliyeyaasha adduunka ayaa lagu yaqaan dhaqankan , masiirkooduna wuxuu ku dhammaadaa foolxumo.Marka qof loo nacam leeyo, wuxuu qofku gelayaa xaalad qaflad ah, oo isla qummanaan ah, ammaanta jecel, ciddii runta u sheegtana wuu la colloobaa.
Xaaladdan gooni kuma aha hoggaamiyayasha hay’adaha dawladaha, waxay sidoo kale ku caddaatey hoggaamiyeyaasha shirkadaha hoggaamiya. Marka shirkadi sameeyso guulo, oo hoggaankeedana ay gacanta ugu jirto kaantaroolka mansabyada shaqada iyo lacagtuba, shaqaalihisu waxay bilaabaan in ay ka hamradaan oo badankoodu u nacamlayn u iishaan, inyar mooyee.
Enron waxay ahayd shirkad weyn oo Maraykanka ka jiri jirtey oo tamarta ka shaqayn jirtey, muddo dheerna jirtey ilaa iyo 2001, markii ay burburtey.
Shirkaddan ninkii hoggaamiyaha ka ahaa xilliga ay burburtey waxaa lagu xukumay xabsi dheer, waxaana la sheegay in sidii khaldanayd oo u Enron u hoggaaminayey koodiisu ka war-hayeen, laakin u nacamleyn jireen.
Taasina waxay sababtey shirkaddi oo burburtay, iyo madaxdii shirkadda oo qaar badan xabsi lagu guro. Waxa la Xaqiijiyay in hoggaamiyeyaasha fiicani isku xeeraan dad runta u sheega, haba qadhaadhaatee , aadna uga taxaddaraan in ay soo dhaweystaan "YES MEN".
Waxaa cilmi-baadhis lagu ogaadey in marka qofku awood yeesho sabirka uu wax ku dhegeystaa yaraado. Tana waxaa sababeysa ayaa la sheegay in uu qofka awoodda helay moodo in uu dadka ka caqli badan yahay, warcelintooduna (feedback) aanay muhim u ahayn."
Abdinasir Mohamed Ismail
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!