Xilli Xaadirka ( Current Time )

0
Monday December 19, 2022 - 11:00:18 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 764
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xilli Xaadirka ( Current Time )

    Hab-dhaqanka noocan ahi, wuxuu qofka ka dhigaa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hab-dhaqanka noocan ahi, wuxuu qofka ka dhigaa



Caadeysiga in aad si xikmadeysan ugu fiirsatid xaaladda maanta taagan, waxay kuu noqotaa muraayad aad ku qiyaastid horumarka mustaqbaleed ee shakhsi ama bulsheed.


Waxaad ka fekeri kartaa mashaariicda aad gacanta ku haysid, sida ay xidhiidh ula leeyihin taarikhda, sida ay u xalliyaan caqabadaha maanta, waxtarna ugu yeelan karaan mustaqbalka dhow iyo mid fogba.



Hab-dhaqanka noocan ahi, wuxuu qofka ka dhigaa mid xooggisa iyo wakhtigisa u isticmaala si istaraajiyeysan, maxsuulladisuna tayo yeeshaan (Allah idankii).


Xaaladda hada lagu sugan yahay (current time) waa muhiim in fiiro gaar ah loo yeesho, sabab tuna waa meesha aynu wakhtigeenna iyo hantideenna xilligan ku bixinayno waxay tilmaameysaa nooca midhaha aynu berri guran doono (Allah Idamkii ).


Xilli-xaadirku waa marka ay suurtogalka tahay in aynu isbeddel yo hindisayaal bilowno. Xilli-xaadirku waa marka ay inoo suurtogal tahay in aynu dib u jalleecno raadkeenniiiyo wixii ina dhaafay. Muddo kadib oo aynu khibrado cusub oo dheeraad ah helay, waxaa inoo muuqanaya sawirka oo dhammeystiran.


Dib u milicsi aynu samaneyno xilligan, wuxuu sababayaa in aynu aragtiyo dheeraada ka qaadano dhacdoooyinkii hore oo aynu uga faa'idaysan karno nolosheenna maanta.


Isbeddelka waxaa sababa in aynu dib u milicsan karno wixi ina dhaafay; xaaladda aynu maanta ku jirno; ogaalna uyeelano hawlaha iyo mashaariicda aan dhammaan.


Dib u milicsi waxaad uun sameyn kartaa maanta. Hoggaaminta fiicani waa taddabur (wixii tegay, waxa-jooga, iyo waxa dhici kara) horseeday ficil wanaagsan.

…..

Abdinasir Mohamed Ismail

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...