Xalay uun beynu ciyaar daawaney!
Xamaasadii ciyaarta ayaa cirka isku shareertay.
Labada xul ee fooda isku darey iney kuloolamaan ciyaarta kamadambeysta ah ee koobka adduunka: waa France iyo Argentina' e. Ciyaarta qeybtii hore waxa lagu kala nastay laba gool iyo waxba. Waxa ku gacan sarreysay Argentina oo labadaa gool ku laafyooneysay.
Daawadayaal badan ayaa ka biyadiidsanaa sida ay ciyaartu noqotey, madaaba ayna jac lahayn oo durba laba gool ay marineyso. Waxa ay ula muuqatey ineyna u qalmin ciyaar la ladaawado.
Horaa loo yidhi: "ciyaari waa galin dambee", waxa la soo galay ciyaarta qeybteedii dambe. Waxa isbeddaley wax walba. Ciyaartii waxa ay yeelatey waji kale.
France-kii wuxu bilaabey dardar hor leh. Wuxuu u guntaday ficil uu dhiigga iyo dhuuxaba uu shubayo.
Wuxuu keenay labadii gool ee lagu lahaa!
Xamaasadii ciyaarta ayaa cirka isku shareertay. Taageerayaashii Argentina ayuu dhiigu boqolka gaadhay, halka taageerayaasha kalena ay farxad kala dilaaci gaadheen.
Iyada halkaa mareysa oo ciyaartuna kuba dhawday dhammaad ayaa Argentina ku aamusiisay bahal gool ah am. Shabaga ayaa ruxmay. Faransiiskii ayaa naxdin wadnuhu istaagi gaadhay. Taageerayaashii madaxa ayay gacmaha saareen, dibnaha ayay ciil la qaniineen!
Ciyaartii waxa ay noqotey 2 iyo 3 gool oo ay Argentina ku gacan sarreyso.
France isma dhiibin ee halkii ayay ciyaartii kasii dhaqaajisay. Amin yar oo kooban oo ciyaarta ka hadhay awgeed, waxa ay xidheen difaacoodii, waxa ay dhiseen dhexdoodii halka ay wareerarkana kordhiyeen. Intaas oo isbiirsaday awgood, waxa ay ku guuleysteen in ay shabaga ku hubsadaan gool oo ay ciyaartiina sidaa uga dhigaan barbardhac! Ciyaartii waxa ay noqotey 3 iyo 3! Waxa ay neef kasoo booday taageerayaashii France ee quusta taagnaa. Iyada oo halkaa kulul mareysa ayuu waqtigii rasmiga ahaa ee ciyaartu dhammaaday.
Ciyaartii waxa lagu darey soddon daqiiqo.
Saddonkii daqiiqo ayaa la ciyaarey, ciyaar boqnaha la isjarayo oo ficil leh. Waxa la isku beegsaday wareerar iyo weerar celis.
Qolaba qolada kale ayay weerar adag ku qaaday goolkooda oo ay ka dhigeen kol ay kubbada dul mariyaan. Mar ay ag mariyaan oo ay sigaan. Mar ay birta qabadsiiyaan oo ay gariirto. Mar goolhayuhu badbaadiyo oo uu faracidiyahood kaga saaro.
30-kii daqiiqo waxa ay ku dhammaatey iyaga oo aan midna calfan wax gool ah.
Sidaa laguma kala tagine waxa fooda la isku sudhay gool-ku-laag oo haddana lagu tartamay.
Ileen waa in ragga la kala reebaaye; waa in mid guusha u hadhaa; waa inuu ninkii rooni reerka u hadhaa.
Ugu dambeyntii, waxa ay guushu gool-ku-laag ku raacday Argentina! Sidaas ayay ku hanatey koobkii adduunka ee 2022-ka.
Xaqiiqdii, waxa ay aheyd ciyaar xiisaheeda iyo xamaasadeeda leh. Waa mid in badan aan maanka dadka ka tarmi doonin oo la xasuusnaan doono.
Alleylehe caawa uun beynu kubbad daawanay. Rag baa is helay.
France laga badi, Argentina ka badisey!
W/Q Maxammad Haybe Axmed.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...