Xildhibaanadii Beesha Habar Awal Ee Golaha Wakiilada Oo La Shaaciyey Inay Ka Baxeen Xisbiyada Ucid Iyo Waddani Ee Ay Ka Soo Baxeen
Xildhibaanadii Beesha Habar Awal Ee Golaha Wakiilada Oo La Shaaciyey Inay Ka Baxeen Xisbiyada Ucid Iyo Waddani Ee Ay Ka Soo Baxeen
Siyaasi Nuuradiin Diini ayaa shaaciyey in xildhibaanadii beesha Habar Awal ee golaha wakiiladu ay ka tageen xisbiyadii mucaaridka ahaa ee ay ka soo baxeen.
siyaasi Nuuradiin Diini ayaa qoraal uu soo saaray ku yidhi:-
Xildhibaanadii gollaha Wakiilada Habar-awal, ee ka soo baxay Xisbiyada Mucaaridkaa Waddani iyo Ucid dhamaan wey isaga tageen Xisbiyadoodii waliba waxa ay uga tageen si qabyaalad qaawan ah, xataa kuwii Kulmiye diiday in uu u sharaxo xildhibaanimo, macaa Wadaaddkii. Si fudud bay u dhaqaaqeen iyaga oo adeegsanaaya maahmaahdii Geel-jiraha ee ahayd "Fiqi tolkii kama jano tago".
Xiligii Axmed Siilaanyo ahaa gudoomiyaha Kulmiye Xildhibaanadii Habar Jeclo ee ku soo baxay doorashadii Baarlamaanka 2005kii sidoodii ayay Xisbiga Kulmiye u joogeen waliba waxa ay qaateen door mucaaridnimo oo raganimo leh iyo wixii loo doortay in ay fuliyaan ilaamaanta waa Kulmiye qaarkood, qaarna waaba Xukuumadda.
Xildhibaanadii Garxajis ee ku soo baxay doorashadii isku sidkanayd ee gollaha Wakiilada iyo Deegaanka qaar badan baa isaga cararay Xisbiyadoodii ku oo ka tagay, ma la odhan karaa Garxajis wuu ka qabyaalad yaryahay Habar Awal iyo Habar Jeclo oo marka horeba isku raacay qabyaalad iyo "Jeegaaniisam" ?
Xildhibaanada Garxajis ee iskaga cararay Xisbiyadoodii ay ka soo baxeen, beel ahaana ay hoggaaminayeen marka la weydiiyo maxaad uga tagteen xisbiyadii aad ka soo baxdeen waxa ay u hadlaan si doqoniimo ah iyaga oo hag hago iyo gang'o leh ayay ku odhanayaan da' da' dawo dooonay, iyo bi' bi' biyo ayaan dooonay.
Ku darsoo Xildhibaanadii Wakiilada ee Habar-jeclo iyo Habar-awal, mid kaliya oo mucaaridka tagay ma jiro ama la mawqif noqday.
Siyaasi Nuuradiin Diini.
![]() |
Loading...
Loading...