"Xalka Keliya Ee Muuse Yaqaan Waa Xadhig Iyo Xabad"

0
Sunday December 18, 2022 - 08:24:22 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 840
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Xalka Keliya Ee Muuse Yaqaan Waa Xadhig Iyo Xabad"

    "Hadaba Labaclabacdan kale iyo isyeelyeelkan oo dhan waa la fahmi karaa"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Hadaba Labaclabacdan kale iyo isyeelyeelkan oo dhan waa la fahmi karaa"


Hargaysa ( HWN) Siyaasi Cali Guray oo ka mid ah siyaasiyiinta inta badan ka hadla xaalada Somaliland ayaa sheegay in haddii komishanka doorashooyinka Somaliland ku shaqaynayaan amarka Muuse Biixi uu hore amar madaxwaynuhu ugu siiyay inay qabtaan doorashada ururada, isagoo taasna ku tilmaamay fara galin.

 

Sidoo kale siyaasi Cali Guray ayaa sheegay in Muuse Biixi xalka keliya ee uu yaqaan yahay xadhig iyo xabad, sida uu siyaasigu ku sheegay qoraal uu baahiyay oo uqornaa sidan:-

 

MARKII TALO MEEL LA DHIGO MUXUU U

MAROORIYAA MEEL DARAN UU UGA SHAXAA

Komishanka Doorashadu hadii amar Madaxwayne ku shaqeeyaan way qabaan amarkii oo maalintii sadexdii xubnood ee dambe la dhaarinayay amar cad waa kii siiyay. Wuxu faray in doorashada ururda ay marka hore qabtaan, ka dibna sadexda soo baxa ay u qaban doonaan doorashada madaxtooyada. Markaa komishanku wuu qabaa amarkii uu siiyaye yaanu inaga ina wareerinin

 

Hadii uu yahay komishan madaxbanaan oo dhex u ah dhinacyada tartamaya hawshooda iyaga ayaa u xilsaaran eh farogelinta ha ka daayo oo sharciga ha u hogaasamo isga laftiisu. Hadii kale uu goor iyo ayaan faraha kula jiro tuhun baa iman oo way lumin kalsoonida saamilayda kale ee doorashada madaxtooyada hadii ay yihiin daneeyayaasha shisheeyaha ah iyo hadii ay yihiin xisbiyada mucaaridkaba, oo ah dhinacyadii taageeray muddadii ay sheegeen in doorasho ay ku qaban kraan. Doorashada ay ka hadlayeenna laguma muransana ee waa ta madaxtooyada ee aanay jirin wax ka dhiman sharcigeeda. Taas oo ay hawsheeda kala wareegeen komishankii hore.

 

Hadaba Labaclabacdan kale iyo isyeelyeelkan oo dhan waa la fahmi karaa oo waa shuqul doorasho-diid weliba ay u dheer tahay ILA MEERAYSO si aan wax doorasho ahi dalka uga qabsoomin, isaguna kursiga iskaga fadhiyo. Ciddii waa sidee tidhaa ama tiisa ka hortimaadana xalka uu garanayo ee keli ahi waa "xadhig iyo xabbad” aan cidna wax dan ahi ugu jirin isagana ku dhehoo


Loading...
Loading...