Xildhibaanadii Habar Awal Ee Ka Soo Baxay Xisbiyada Mucaaradka Oo Ka Dareeray Xisbiyadii Ay Ka Soo Baxeen

0
Saturday December 17, 2022 - 17:15:33 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2464
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaanadii Habar Awal Ee Ka Soo Baxay Xisbiyada Mucaaradka Oo Ka Dareeray Xisbiyadii Ay Ka Soo Baxeen

    "Ma La Odhan Karaa Garxajis Wuu Ka Qabyaalad Yaryahay Habar Awal"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Ma La Odhan Karaa Garxajis Wuu Ka Qabyaalad Yaryahay Habar Awal"



Hargaysa (HWN) Nuuradiin Diini oo kamid ah siyaasiyiinta Somaliland kana mid ahaa siyaasiyiintii ku dhawaaqay ururada ayaa sheegay in dhamaan xildhibaanadii Habaw-awal ee ka soo baxay xisbiyada mucaaradka Somaliland ay si qabyaaladaysan uga baxeen xisbiyadii ay ka soo baxeen.

Siyaasi Nuuradiin ayaa sidaasi ku sheegay qoraal uu daabacay oo udhignaa sidan:-

 

"Xildhibaanadii gollaha Wakiilada Habar-awal, ee ka soo baxay Xisbiyada Mucaaridka Waddani iyo Ucid dhamaan wey isaga tageen Xisbiyadoodii waliba waxa ay uga tageen si qabyaalad qaawan ah, xataa kuwii Kulmiye diiday in uu u sharaxo xildhibaanimo, macaa Wadaaddkii. Si fudud bay u dhaqaaqeen iyaga oo adeegsanaaya maahmaahdii Geel-jiraha ee ahayd "Fiqi tolkii kama jano tago".

 

Xiligii Axmed Siilaanyo ahaa gudoomiyaha Kulmiye Xildhibaanadii Habar Jeclo ee ku soo baxay doorashadii Baarlamaanka 2005kii sidoodii ayay Xisbiga Kulmiye u joogeen waliba waxa ay qaateen door mucaaridnimo oo raganimo leh iyo wixii loo doortay in ay fuliyaan ilaamaanta waa Kulmiye qaarkood, qaarna waaba Xukuumadda.

 

Xildhibaanadii Garxajis ee ku soo baxay doorashadii isku sidkanayd ee gollaha Wakiilada iyo Deegaanka qaar badan baa isaga cararay Xisbiyadoodii ku oo ka tagay, ma la odhan karaa Garxajis wuu ka qabyaalad yaryahay Habar Awal iyo Habar Jeclo oo marka horeba isku raacay qabyaalad iyo "Jeegaaniisam" ?

 

Xildhibaanada Garxajis ee iskaga cararay Xisbiyadoodii ay ka soo baxeen, beel ahaana ay hoggaaminayeen marka la weydiiyo maxaad uga tagteen xisbiyadii aad ka soo baxdeen waxa ay u hadlaan si doqoniimo ah iyaga oo hag hago iyo gang'o leh ayay ku odhanayaan da' da' dawo dooonay, iyo bi' bi' biyo ayaan dooonay.

 

Ku darsoo Xildhibaanadii Wakiilada ee Habar-jeclo iyo Habar-awal, mid kaliya oo mucaaridka tagay ma jiro ama la mawqif noqday.”


Loading...
Loading...