FIFA Oo Dib U Eegis Ku Sameyneysa Qaabka Loo Ciyaaro Koobka Aduunka

0
Saturday December 17, 2022 - 12:46:58 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 822
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    FIFA Oo Dib U Eegis Ku Sameyneysa Qaabka Loo Ciyaaro Koobka Aduunka

    "Ilaa daqiiqada ugu danbeysa ee ciyaarta ugu danbeysa, ma garan kartid cida soo baxaysa"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Ilaa daqiiqada ugu danbeysa ee ciyaarta ugu danbeysa, ma garan kartid cida soo baxaysa"


 

Hey’adda kubadda cagta adduunka maamusha ee FIFA, ayaa waxey dib u eegis ku sameyneysaa qaabka Koobka Adduunka ee sanadka 2026-ka uu uga qabsoomayo dalalka Mareykanka, Mexico iyo Canada, sida uu sheegay madaxa hey’adda, Gianni Infantino.

 

Kooxaha ayaa tiradoodu kor looggu qaadi doonaa 32 illaa iyo 48, waxaana lagu wadaa in loo qaybiyo 16 guruub oo saddex qeybood ah, iyadoo labada kooxood ee ugu sareysa ay kasoo baxaan 32-da kooxood.

 

Infantino ayaa sheegay in taasi dib u eegis lagu sameyn doono ka dib "guusha" ay gaaraan kooxaha Koobka Adduunka ee 2022 ee haatan ka socda dalka Qatar.

 

"Halkan kooxaha afarta ah waxay ahaayeen kuwo aan la rumaysan karin," ayuu yiri Infantino.

 

"Ilaa daqiiqada ugu danbeysa ee ciyaarta ugu danbeysa, ma garan kartid cida soo baxaysa.

 

"Waa inaan dib u eegno ama ugu yaraan dib ugala hadalnaa qaabka dadka ay quseyso, tani waa wax hubaal ah oo ku jiri doona ajandaha kulanka soo socda."

 

Wareega Group-yada ee ka dhacay dalka Qatar, ayaa waxaa ka mid ahaa ciyaarihii ugu dambeeyay ee xiisaha badan lahaa, iyadoo dalalku ay isku dayeen inay xaqiijiyaan buuxinta kaalimaha 2-aad ee u soo bixista wareega 16-ka.

 

Qaabka guruubyada afarta kooxood, oo labada kooxood ee ugu sareysa ay u soo gudbeen wareega 16ka, ayaa la isticmaalay tan iyo markii Koobka Adduunka ee ragga lagu ballaariyay 32 kooxood sanadkii 1998-dii.


Loading...
Loading...