Madaxweynihii Soo Dhaweynta Jeclaa .
Waxa jiri jiray madaxweyne jeclaa soo dhweynta oo tegi jiray hafladaha iyo suuqyada iyo maqaaxiyaha
Oo Laakiin aan soo booqan jirin meelaha looga baahan yahay in uu soo booqdo , sida dhakhtarka iyo jecelasha iyo dugsiyada iyo dadka tabaalaysan iyo derbi jiifka iwk .
Maalintii danbe ayaa waxa uu soo booqday Tuulo .Markaasaa Tuuladii u soo baxday oo soo dhaweysay .
Markaasaa waxa uu arkay odayaal iyo dad badan oo meel iska fadhiya oo aan ka qeyb gelin soo dhaweyntiisa.
Markaasu ku leexda oo u tegey .Markaasaa waxa uu weydiiyay:
Maxaad uga qeyb geli waydeen soo dhaweynta madaxweynaha? Markii ay xaggiisa u soo jeesteen ayuu wada gartay Waar miyaanad hebel ahayn adigu Waar adiguna miyaanad hebel ahay
Waar...............
Dadka intoodii badnayd way iswada garteen
Kadib waxa uu waydiiyay: Maxaad halkan idin keenay?
Horta waxaad ogaataa dadka ku soo wada daweynaaya, Waxa loo qeybiyay lacag,
si ay kuu soo dhaweeyaan QADO ayaa loogu balan qaaday in la siiyo
Waayo? Dalkii duruufo adag iyo faqri iyo shaqo la'aan iyo sicir barar baa ka jira
Malaa adiga kumay taaban arimahaasu ( waa kuu maqal uun) .
Markaa dadku way bakhtiyayaan. Ma xasuusan tahay rajadeenii iyo hamigeenii iyo hadalkeenii aynu ku wada
hadli jirnay Iyo cadaalad doonkii iyo in sinaan la helo oo qabyaalada laga guuro iyo in la helo xoriyatul qawl
iyo saxaafad madax banaan iyo inaad qofna xuquuqdiisa loo diidi karayn.
In aynu marka aynu dalka xoreyno aynu ka samayn doono doorashooyin in axzaab badan iyo nidaam
dimuqraadiya oo shacabka la dhegeysto oo qof kastaa shaqo helo oo caafimaad iyo waxbarasho bilaash ah
la wada helo iyo laydh iyo biyo iyo wadooyin.Hadaba maanta oo aad madaxweyne yaa tahay dadka
Maxaa ka qarsoomay?
( riyooyinkeenii)?
Wixii oo dhan waad ka tagtay
Maanta waxay maraysaa car
Juuqdheh iyo xadhig .
Cidna wax kama dhegeysatid
Qasriga madaxtooyada cidna looma ogola in ay soo gasho , oo kuu timaado oo aad talo ka qaadato.
Cidna wax kama dhegeysatid
( Salaadiinta- culimo- wax
Garad- aqoon yahan- axzaab- adiga oo qudha ayaa isla saxan ..
Kuwan meesha kula jooga , ee kugu xeeran
Been Bay kuu sheegayaan.
Adiguna keligii talis ayaad noqotay .
Waana wixii aynu ka dagaalanay.
Markaas waxaanu doorbidnay
Inaanu Tuuladan iskaga noolaano
Oo kaa soo fogaado.
Markaasu ninkii madaxweynaha ahaa qayliyay mar qudha oo uu yidhi:
Waa laysheegay in aad i neceb tihiin oo aad i caydaan oo qaarkiisn jabhad samaysanayaan oo aad
doonaysaan in aad i dishaan oo aad dadka igu dirtaan oo aad kacdoon shacab qorsheynaysaan iyo
mudaaharaad.
Markaasay ugu jawaabeen:
waa beenta kooxda kugu xeerani kuu sheegeen ee beenta ah .
Ee na dhegeyso oo taladayada qaado.
Markaasaa madaxweynihii ku yidhi wasiirkiisii madaxtooyada:
Waar nimankan gawaadhida weftiga meel uga banee oo ha ina soo raaceen .
Waayahay buu hoos u yidhi .
Markii danbe ayuu ku yidhi
Odayaashii: meel aan idin saaro ma hayo ee marka aanu soo noqo ayaanu idin soo maraynaa.
Odaydii waxay isku sii daayeen madaxweynihii oo u sheegeen arinkii.
Waxba kama dhegeysan oo wuxuu ku yidhi: waxaynu yeelaynaa sidaas uu wasiirku idiin sheegay.
Odayadii waxay ugu jawaabeen:
waa hadii aad soo noqoto.
Xabaalahaa ma garanaysaa cidda ku aasan?
Xabaalahaas waxa ku aasan madaxweyne soo maray dalka (....) iyo dad kale oo aad wada garanayso oo aad
aaskooda ka soo qeyb gashay.
Markaas maanta nin weyn baad tahay oo dunida waxba kala tegimaysid
Ee taas uun xasuuso
Anagana iska kaaga ilaw.
Oo ha noqon qof marka magaciisa la soo qaado
La nacdalo oo la caayo.
Oo dalka iyo dadka ka ilaali dagaal sokeeye In uu ka dhaco .
Kadib way ka dhaqaaqeen .
Cali maxamed Biixi
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!