Wasiir Maxamed Kaahin Oo Gudoomiyey Shirka Amniga Oo Lagaga Hadlayey Diwaangelinta Codbixiyeyaasha

0
Saturday December 17, 2022 - 11:29:44 in News by Abdi Good
  • Visits: 673
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Maxamed Kaahin Oo Gudoomiyey Shirka Amniga Oo Lagaga Hadlayey Diwaangelinta Codbixiyeyaasha

    Wasiir Maxamed Kaahin Oo Gudoomiyey Shirka Amniga Oo Lagaga Hadlayey Diwaangelinta Codbixiyeyaasha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir Maxamed Kaahin Oo Gudoomiyey Shirka Amniga Oo Lagaga Hadlayey Diwaangelinta Codbixiyeyaasha

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ayaa Gudoomiyey shirka Amniga ee loogu diyaar garoobayo Diiwaangelinta kaadh qaatashada muwaadiniinta Jamhuuriyadda Somaliland, taasoo dalka ka qabsoomaysa 28-12-2022, sida ay Guddida Doorashooyinka Qaranku iclaamiyeen.


Kulankan oo ka qabsoomay Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL, waxaa lagu falanqeeyey sidii loo adkayn lahaa Amniga guud ee Qaranka iyo sidii ay Ciidamada kala duwan ee Jamhuuriyadda Somaliland u sugi lahaaheen amniga goobaha Diiwaangelintu ka dhacayso oo ah 176 goobood oo ka mid ah 23 Degmo Doorasho ee dalka.

Guud ahaan Xukuumadda ayaa diyaarisay Ciidamada ka qayb qaatanaya Diiwaangelinta Kaadhka Qaadashada Muwaadiniinta, iyadoo dhinaca kale waxkasta oo Xukuumadda ka saaran Diiwaangelinta ay diyaar ka tahay. Waxaa kale oo guul taariikhiya ah in Xukuumadda uu Hogaaminayo Madaxweynaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi ay Miisaaniyadda Qaranka ka bixisay lacagta ku baxaysa Diiwaangelinta 100%, taasoo aan cid kale gacan ka gaysan, taasoo muujinaysa Sida Madaxweynaha Qaranku ugu go'antahay in Somaliland kaa gaadho isku filaanshiiyo.
Taariikhda waa markii ugu horeysay ee Xukuumadda dalada haysaa ay bixiso 100% qarashka ku baxaya Diiwaangelinta iyo Doorashooshadii ugu danbaysay ee isku Sidkanaydna ay Xukuumadda uu hogaaminayo Madaxweynaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Muuse BiixiCabdi, ay bixisay 70%, taasoo ah guul wayn oo Qarankani gaadhay.

Kulankan Guddida Amniga Qaranku ugu Diyaar garoobayaan Diiwaangelinta ee uu shir gudoominayey Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, waxaa ku wehelinayey Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhiga Cabdiqani Maxamuud Caateeye Fariid, Taliyaha Ciidanka Qaranka Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha Sareeye Guuto Axmed Hurre Haariye, Taliyaha Ciidanka Laanta Socdaalka Sareeye Guuto Maxamed Xuseen Faarax (Xiirane), Taliyaha Ciidanka Asluubta Sareeye Guuto Axmed Cawaale Yusuf (Libaax), Taliyaha Ciidanka Dab-damiska Sareeye Guuto Axmed Maxamed Xasan (Sawaaxili) Taliye Kuxigeenka Ciidanka Booliska Sareeye Guuto Cabdi Xasan iyo Saraakiil kale.

May be an image of 8 people, people standing, military uniform and outdoors
May be an image of 8 people, people standing and military uniform



Loading...
Loading...