Muse Biixi 5 sano Wuxuu Geystay Wuxuu Kaga Tegayo Wadanka Ayaa Ka Xun.

0
Saturday December 17, 2022 - 11:20:00 in Articles by Xaaji Faysal
  • Visits: 1388
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muse Biixi 5 sano Wuxuu Geystay Wuxuu Kaga Tegayo Wadanka Ayaa Ka Xun.

    Wuxuu Ka Tegayaa Waa Dhiig, Dhaqan Xumo, Dhac

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wuxuu Ka Tegayaa Waa Dhiig, Dhaqan Xumo, Dhac


Markaan dersay waxaa dhacay shantii sano waxa distoor jebin, sharci jebin, dil, xadhig iyo dhac qaran iyo mid shakhyiyaad iyo musuqmaasaq baahaan, xisbiyo qaran iyo doorasho iyo komishan baabiin iyo waxaan la soo koobi karayn laakiin dadku dhugasho nololeed iyo dawladeed baa ay qiyaasi karayn oo aanay khibrad u lahayn ee Wuxuu Muse Biixi Wadanka Kaga Tegi Doonaa Dhibaato Daba Dheer Oo Degmo Kasta Iyo Reer Kasta Taabata. 



Wuxuu Ka Tegayaa Waa Dhiig, Dhaqan Xumo, Dhac La Is Wada Qabsan Doono Iyo Kala Googo Iyo Aamin Darro Iman Doontaa Sida Koonfurta Soomaalida Ka Taagan. Afar Qolo Ayaa Dadka Aamin Siiyey Oo Wadanka Ka Taliya Afartiina Waa Culimo Ku Sheegga Baayac Mushtariga Isu Bedelay, Salaadiinta Badankoodu Xaaraanta La Boobay Ee Fadaroobay, Siyaasiyiin Bilaa Diina Oo Bilaa Dhaqana. Somalida Waxay Tidhaa Awrka Dembe Arwka Hore Socodkiisuu Leeyey, Ama Diida Ama Geela Waxay Dabasovonnaa Somalia Siday U Baabaday.


 

Beesha Caalamka Ee Aad Mooddaan Inay Somalida Ugu Xidhan Yihiin Caawin Sidaa Maaha E Wuxuu Aa Fahmi Kara Ujeedadooda Ninkii Xogogaal U Amerika Siday Ku Dhalatay, Siday U Kortay Iyo Siday Maanta Tahay. Waa Dalka Ugu Da' Da Yar Dunida Uguna Xoogga Weyn. Dadyar Oo Reer Miyiga Oo Xoolahoodu Lo Debadeed Ahayd Ayey Iyagiyo Lodiiba Gummaadeen. 


Ku Fogaanmaayo Ee Waa (Home Work) U Yaal Kuwa Siyaasiyiinta Sheegga. Ujeedada Xeebta Soomaalida Iyo Dhulka Soomaalida Ka Leeyihiin Waa Tii Ay America Ka Lahaayeen Kuna Xasuuqeen Dadkii Asia Ka Soo Jeeday Ee Ay Red Indian Ka U Bixiyeen Iyagoo Moodaayey Inay India Gaadheen.


 

Haddaan Muse Biixi U Soo Noqdo Waxaan Ku Masaali Karaa Baydkii Gabayaagii Qaasim Ee Ahaa (Dhiig Buu Sidaa Waqalkan Aa Sagalka Moodeene).


 

M BASHE

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...