Ujeedada Digniin Ciidanka Somaliland Udireen Shacabka
Hargeysa -(HWN):-Laanta
socdaalka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa soo saartay digniin culus taas oo la
xidhiidha dadka sharci-darada kusoo gelaya dalka iyo sidoo kale dadka ka
dambeeya inay dalka soo galaan.
Talista ciidanka
Socdaalka Somaliland qoraal ka soo baxay oo ay soo dhigeen bartiisa facebook
waxa uu ku sheegay in tallaabo adag ay ka qaadi doonaan cidkasta oo dalka soo
geliso dad aan sharci haysan, isla markaana waxa lagu sheegay qoraalka in xeer
dhawaan uu meelmariyey golaha wakiillada oo la xidhiidha xeerka tahriibta uu
noqon doona ka ay u cuskan doonaan ciqaabta uu mudan doona qofka dalka keena
dadka aan sharciga haysan, sidoo kale waxa lagu sheegay in xeerkaasi uu ka adag
yahay kii hore u jiray, isla markaana uu dhigayo oo uu xaq u siinayo laanta ka
hortaga dadka aan sharciga haysan inay la wareegi karaan gaadiidka loo
isticmaalo keenista dadkaas.
Qoraalka ka soo baxay
ciidanka socdaalka somaliland ayaa u dhignaa sidan
"wargalin iyo digniin
muwadiniinta gaadiidleyda ah ciidanka socdaalka Jamhuuriyadda Somaliand wuxuu uga digayaa muwaadinkasta oo ka qayb
qaadanaya fududeeynta tahriibta sharci darada ah sifo kasta ha ahaate oo lagu
caawinayo in ay dadka sharci darada ah soo galaan dalka ama ku dhax joogan
dalka si sharci daro ah.
waxaa lagu qaadi doona
tallaabo sharciga waafaqsan cidkasta oo ku lug lahayd sida darawaliinta,
mulkiilaha gadiidka iyo kuwa fudeydinayaba. isagoo xeerka cusub ee tahriibta
"101/2021 xeerka ka hortaga iyo xakamaynta ka ganacsiga dadkaā€¯ lagu qaadi
doono.
xeerkaas oo ka ciiqaab
adag kuwii hore ee lagusoo dhaqmayay awoodna u siinaya ciidanka socdaalka in ay
la wareegan gaadiidka loo isticmaalay tahriibinta, halka shakhsiyaadka
kuluglehna la marinayo ciiqaab adag oo u dhaxaysa 2 sano ilaa 10 sano oo aan
iib lahayn sidoo kale ay raaci karaan duruufaha danbiga cusleeya.
hadaba muwaadin ka
digtoonow in aad kulug lahaato nooc kasta oo ka qayb qaadasho ah, fududeeynta,
caawinta iyo dhiiri galinta tahriibta.
ciidanka socdaalka oo
hirgalinaya xeerkaas cusub wuxuu soo qabtay 3 baabuur oo siday 133 qof kuwaas
oo iskugu jira rag iyo dumar, waxaana muwadininta fududeysay iyo darawalintaba,
maxkamadda g/m/jeex ku xukuntay xukuno kala duwan oo u dhaxaysa 3 sano ilaa 4
sano oo xadhig aan iib lahayn ah, halka mulkiilayasha gadiidka lagu xukumay
lacag tiro badan.
muwaadin iska jir
kuluglahaanshaha tahriibta aan sharciga ahayn