Muuse Biixi Oo Markale Shaaciyay Doorashada Soo Horaynaysa & Aamusnaata Komishanka Doorashada

0
Friday December 16, 2022 - 21:01:46 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1629
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muuse Biixi Oo Markale Shaaciyay Doorashada Soo Horaynaysa & Aamusnaata Komishanka Doorashada

    "Markay diiwaangelintu dhammaato, ururrada iyo xisbiyada tartami doona"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Markay diiwaangelintu dhammaato, ururrada iyo xisbiyada tartami doona"



Hargeysa –(HWN)- Ex. Madaxwayne  Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta farriin la xidhiidha arrimaha doorashooyinka iyo diiwaangelinta dalka kusoo foolka leh u diray, axsaabta, ururrada siyaasadda iyo shacabka reer Somaliland, waxana uu ugu baaqa in si milgo iyo xilkasnimo leh loogu diyaargaroobo diiwaangelinta cod-bixiyayaasha iyo doorashooyinka midda ururradu ugu soo horrayso ee dalka ka qabsoomi doonta sannadka soo socda ee 2023-ka.

 

,"Sannadkan soo socda ee 2023-ku Insha Allah wuxu noqon doonaan sannad doorasho, laba doorasho iyo diiwaangelin baa isu-keen daba yaalla. Diiwaangelintu waxay bilaabmaysaa 28-ka Bishan, Qarankana guud ahaan waxan ugu baaqayaa ciddii kaadh ka lumay ama meel u beddelanaysa ama immika soo gaadhay da’dii la diiwaangelinayey in la siiyey fursad qaali ah oo qaranka qiimo weyn ku joogta, si gaar ahna gobollada aan hore isu diiwaangelin waxan ugu baaqayaa inay isdiiwaangeliyaan oo ay maanta codkooda kaga qaybgalaan dalka hoggaamintiisa.”

 

Muuse Biixi oo hadalka siiwata ayaa intaasi kudaray, "Markay diiwaangelintu dhammaato, ururrada iyo xisbiyada tartami doona ee 13-ka ah waxa laga rabaa inay dadka tusaan hadalkooda, qorshahooda iyo ficilkoodaba inay yihiin dad waayeel ah oo u bisil dalkan hoggaamintiisa oo wax lagu farxo mooyaane wax laga naxaa aanu addinkooda iyo afkooda midna ka muuqan si aynu uga baxno xaaladihii hore ee barbarashada Dimuqraaddiyadda, Kaambaynka iyo axsaabta oo aynnu ka qaadannay inta ugu adag,” ayuu yidhi ex. madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

 

Weli waxa Somaliland ka taagan muranka ka dhashay ta soo horaynaysa labada doorasho,  waxaanay xisbiyada mucaaradku aaminsanyihiin inay soo horaynayso doorashada ururada halka Muuse Biixina ku adkaysanayo inay soo horaynayso doorashada Madaxwaynuhu, Komishanka doorashooyinka oo shaqada doorashada iska lihina weli may cadayn ta soo horaynaysa


Loading...
Loading...