Ururka Midowga Yurub Oo Ugu Hanjabay Shirkadda Twitter Cuna Qabateyn

0
Friday December 16, 2022 - 20:57:22 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 561
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ururka Midowga Yurub Oo Ugu Hanjabay Shirkadda Twitter Cuna Qabateyn

    "Xeerka Adeegyada Dijitalka ah ee Midowga Yurub wuxuu damaanad qaadayaa xorriyadda warbaahinta"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Xeerka Adeegyada Dijitalka ah ee Midowga Yurub wuxuu damaanad qaadayaa xorriyadda warbaahinta"

 


Midowga Yurub ayaa ugu hanjabay milkiilaha Twitter-ka Elon Musk in lagu soo rogi doono cuna qabateyn, kadib markii dhowr wariye oo ka hadlay arrimaha shirkadda si lama filaan ah loogga xiray akoonadooda.

 

Weriyeyaasha New York Times, CNN iyo Washington Post, ayaa kamid ahaa kuwa laga xiray akoonnada.

 

Guddoomiyaha Midowga Yurub, Vera Jourova, ayaa sheegtay in sharciga cusub ee adeegyada dhijitaalka ah ee Midowga Yurub, uu lagama maarmaan ka dhigayo "ixtiraamka xorriyadda saxaafadda".

 

Xafiiska arrimaha dibadda ee dowladda Jarmalka, ayaa sidoo kale uga digay shirkadda Twitter-ka in "Xorriyada saxafada aan laga gorgor tami karin".

 

Guddoomiye Jourova, ayaa sheegtay in warka ku saabsan xirista akoonadaa suxufiyiinta ee Twitter uu yahay "arrin walwalkeeda leh".

 

"Xeerka Adeegyada Dijitalka ah ee Midowga Yurub wuxuu damaanad qaadayaa xorriyadda warbaahinta, iyo xuquuqaha aasaasiga ah. Tan waxaa lagu xoojiyay Xeerka Xoriyadda Warbaahinta," ayay tiri.

 

"Elon Musk waa inuu ka warqabaa taas. Waxaa jira khadadka cas oo aan la dhaafi Karin, iyo cunaqabatayn haddaanay wax is badalin,."

 

Musk ayaa bartiisa twitterka kusoo qoray in akoonnada la xiray ay ku hawlanaayeen wax aan wanaag saneyn - taasoo uu ku qeexayo sii deynta macluumaadka gaarka ah ee internetka ee ku saabsan shakhsiyaadka.

 

"Sharciyo la mid ah doxxing ayaa khuseeya 'saxafiyiinta' sida qof kasta oo kale," ayuu ku soo qoray Twitter.

 

Afhayeen u hadashay Twitter-ka ayaa mar sii horreysay u sheegtay mareegaha teknoolojiyadda ee The Verge, in mamnuuciddu ay la xiriirto wadaagga tooska ah ee xogta goobta.

 

Musk ayaa kula wareegay maamulka Twitter bishii October heshiis ku kacay $44bn ($36bn).

 

Afhayeen u hadlay wargeyska New York Times, ayaa akoon xirista ku tilmaamay mid calaamatul su’aal dul saarey shirkadd Twitter-ka, iyo arrin nasiib darro ah.

 

Arrintan ayaa timid kadib markii Musk uu wacad ku maray inuu dacweyn doono ruuxa daba socda oo daba gala diyaaradiisa gaarka ah.

 

Waxa uu sheegay in " ruuxa ku waalan daba galistiisa" uu isticmaalay goob wadaag toos ah, si uu u helo oo uu u dejiyo baabuur ay caruurtiisa isticmaalayeen, oo markaa kusugnaa magaalada Los Angeles.

 

Arbacadii, Twitter ayaa xayiray akoontiga @ElonJet, iyo sidoo kale akoontiga gaarka ah ee mulkiilaha Jack Sweeney, oo 20 jir ah.

 

Musk ayaa tan iyo markaas wacad ku maray in uu tallaabo sharciga waafaqsan ka qaadi doono, iyo sidoo kale "ururada taageeray waxyeellada qoyskiisa".

 

Twitter-ku ayaa wuxuu ka xannibaa isticmaalayaasha inay la wadaagaan xiriirada dadka uu ka dhaxeeyo xafiiltanka.

 

Faylasha Twitter-ka ayaa dhaliyay dood ku saabsan 'liiska madow'. Elon Musk hadda ma ahan ninka ugu taajirsan adduunka

 

Cunaqabataynta Midowga Yurub , ayaawaxaa lagu dabaqi karaa sharciga cusub ee Adeegyada Dijital ah, kaasoo hadda maraya Baarlamaanka Midowga Yurub, laakiin wuxuu dhaqan geli karaa sanadka soo socda.

 

Sida ku cad shuruudaha sharciga cusub ee la soo jeediyay, guddiga Midowga Yurub, ayaa loo ogolaan doonaa inay kusoo rogaan ganaax dhan 6% ganacsiga caalamiga ah, ee shirkad ay u aragto inay jabisay xeerarkeeda.

 

Xaaladaha ba'an, Midowga Yurub, ayaa wuxuu weydiisan karaa maxkamad inay joojiso adeegga wax la isku daba mariyo, laakiin waa haddii ay " diidaan inay u hoggaansamaan waajibaadka muhiimka ah, oo ay khatar geliyaan nolosha iyo badbaadada dadka".

 

Xafiiska arrimaha dibadda ee Jarmalka, ayaa fariin digniin ah u diray baraha bulshada, iyagoo qoray: "Xorriyadda saxaafadda lama hor istaagi karo oo laguma caburin karo xamaasad."

 

BBC


Loading...
Loading...