Maraykanka Oo Ka Hadlay Xukun Lagu Riday Duqa Magaalada Istanbul
Dowladda Mareykanka
ayaa Khamiistii sheegtay "inay aad u dhibtay ugana niyadjabtay,” kadib markii
duqa magaalada Istanbul, oo ah xubin muhiim ah oo ka tirsan mucaaradka, laga
mamnuucay siyaasadda ka hor doorashada madaxweyne ee sanadka soo socda.
"Dowladda Maraykanka
aad ayey u dhibtay, ugana niyadjabtay xukunka ay Maxkamad Turkish ah ku ridday
duqa magaalada Istanbul Ekrem Imamoglu, oo lagu xukumay laba sano iyo toddoba
bilood oo xarig ah, lagana mamnuucay dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed,” ayuu yiri
afhayeen u hadlay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Maraykanka.
"Waxaan ku
boorineynaa dowladda inay joojiso dacwadaha lagu fuliyo shuruucda dambiyada
'aflagaaddada' oo ay ixtiraamto xuquuqda iyo xorriyadda dhammaan muwaadiniinta
Turkiga, oo ay ku jirto in la xaqiijiyo jawi furan oo ah dood dadweyne."
Imamoglu ayaa lagu soo
eedeeyey "aflagaaddeynta” mas’uul dowladeed kadib markii saraakiisha doorashada
uu ugu yeeray "doqomo”.
Maxkamadda ayaa
diiradda saartay hadalka oo uu Imamoglu u jeediyey weriyayaasha bilo kadib
markii uu ka adkaaday musharax ay xulafo yihiin Erdogan, doorasho ku celis
aheyd kadib markii la nasakhay middii koowaad.
Saraakiisha ayaa
sheegay inay heleen boqollaal kun oo "codad laga shakisan yahay ah"
kadib markii Erdogan uu diiday inuu qiro guushii koowaad Imamoglu.
Go’aanka ayaa si
xooggan u ceebeeyey xisbiga Erdogan, kadib markii doorashadii lagu celiyey uu
si aan shaki laheyn mar kale ugu guuleystay Imamoglu.
Imamoglu ayaa kadib si
caro leh u hadlay isaga oo kuwii nasakahy doorashada ugu yeeray "doqomo.”
Kooxda Ekrem Imamoglu
ayaa deg deg wacad ugu maray inay racfaan ka qaadan doonaan kiiskan.
Dadka lagu xukumo wax
kayar afar sano ayaan inta badan xabsiga la dhigin dalka Turkiga.
Hase yeeshee xukunkan
ayaa 52 jirkan -- oo ka mid ah xiddigaha xisbiga cilmaaniga ee Turkey -- ka
mamnuucaya siyaasadda muddada xukunka.
Imamoglu ayaa sii hayn
doona xilka duqa magaalada ugu weyn Turkiga inta lagu gudo jiro racfaanka
xukunka.
VOA