Maxaa Ka Jira In Golaha Shacabka Somaliya Ansixiyay Kursiga Fahad Yaasin?

0
Friday December 16, 2022 - 13:43:48 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1385
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Ka Jira In Golaha Shacabka Somaliya Ansixiyay Kursiga Fahad Yaasin?

    "Xafiiska waxaa uu baaritaan ku sameeynayaa cid allaale cidii ka dambeysay falkaan"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Xafiiska waxaa uu baaritaan ku sameeynayaa cid allaale cidii ka dambeysay falkaan"



Muqdisho (HWN) Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa beeniyay warqad lagu baahiyay Baraha Bulshada, taas oo ku saabsan kursiga Hope #086 ee loo doortay taliyihii hore ee NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir balse horay loo hakiyay.

 

Xafiiska Guddoomiyaha oo barta Facebook ku shaaciyay inay warqaddaan been abuur tahay ayaa sidoo kale hacabka Soomaaliyeed uga digay inay ka digtoonaadaan warqadaha noocan oo kale ah.

 

"Xafiiska waxaa uu baaritaan ku sameeynayaa cid allaale cidii ka dambeysay falkaan, waxaana lala tiigsan doonaa sharciga." ayaa la yiri qoraalka ka soo baxay Xafiiska Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka.


Loading...
Loading...