"Ururada Waad Soo Baxdeen Mooyee Xageed Usoo Baxeen Ismay Waydiin"

0
Friday December 16, 2022 - 09:46:04 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1911
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Ururada Waad Soo Baxdeen Mooyee Xageed Usoo Baxeen Ismay Waydiin"

    Ururada Madaxwaynaha ayuun bay ilaa hadda wax ka dhexeeyaan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururada Madaxwaynaha ayuun bay ilaa hadda wax ka dhexeeyaan


 

 

Hargaysa (HWN) Siyaasi Cali Guray ayaa sheegay in aanay shaqo haatan ka dhaxayn ururada iyo komishanka doorashooyinka Somaliland, maadaama aan lahayn xeer koodii.

 

Siyaasiga ayaa sidaasi ku sheegay qoraal uu baahiyay oo uqornaa sidan:-

"Doorashada ururada goorma la qabanayaa? Halkee laga qabanayaa imisa goobood? Yaa qabana sharci ahaan? Yaa loo qabanayaa ma Kulmiye iyo toban urur? Sua’aalahaa hadii aanay ka jawaabi karayn gudcur bay gudayaane daaya.

Komishanka hadii ay saaka la kulmeen saw in Xeer Lam-91 ay hordhigaan uun maaha? xageey ka mari karaan? Ururada Madaxwaynaha ayuun bay ilaa hadda wax ka dhexeeyaan. Xisbiyada iyo Komishanka waxba kama dhexeeyaane yaa yidhaa ha ku meeraysanina. Waa soo baxdeen la yidhiye xageenu u soo baxnayba may odhan. Meel ay u soo baxeenna in aanay jirin bay u badan tahay marka sharcigu saraynta leeyahay.

 

Hadii ay isu soo diyaariyeen doorasho aan la isla ogolayn oo sanaduuqda korkooda ay xabbaddu ka bilaabanto ama goobaha inta ugu badan aan sanduuqba la Geyn karin ama aan la gaadhsiin karin dhiigga dadka cidina xisbi ku noqon mayso eh ha daalina yaa yidhaa. Doorasho aan la isla ogolayn Somaliland weligeed hore ugamay dhicin haddana ka dgici mayso anigu ninka intaa garanayaan ahay. Madaxwaynuhu hadii uu ku adkaystana waa waali-duul ee maan-ku-dirir maaha. Ururadu laftooduna waa hinaase-duul”


Loading...
Loading...