Duqa Magaalada Istanbul Oo Lagu Xukumay Xabsi Iyo Xayiraad Siyaasadeed
Maxkamad Turkish ah
ayaa Arbacadii ku xukuntay duqa magaalada Istanbul ku dhowaad saddex sano oo
xabsi ah, taasi oo ka mamnuuceysa inuu isu soo taago doorashada madaxweynaha ee
bisha June ee sanadka xiga.
Kooxda Ekrem Imamoglu
ayaa deg deg wacad ugu maray inay racfaan ka qaadan doonaan kiiskan oo ka
dhashay hadal uu jeediyey 2019-kii kadib markii uu tartanka duqa magaalada
Istanbul kaga adkaaday xulufada madaxweyne Erdogan.
Dadka lagu xukumo wax
kayar afar sano ayaan inta badan xabsiga la dhigin dalka Turkiga.
Hase yeeshee xukunkan
la xiriira "inuu aflagaadeeyey mas’uul haya xil dowaldeed” ayaa 52 jirkan -- oo
ka mid ah xiddigaha xisbiga cilmaaniga ee Turkey -- ka mamnuucaya siyaasadda
muddada xukunka.
Imamoglu ayaa sii hayn
doona xilka duqa magaalada ugu weyn Turkiga inta lagu gudo jiro racfaanka
xukunka.
Booliiska rabshadaha ka
hortaga ayaa la dhigay bannaanka maxkamada ee dhanka Aasiya ee magaalada ay ku
nool yihiin 17-ka milyan oo qof, inkastoo Imamoglu uu sii watay shaqadiisa
sidii caadiga ahayd, haddana wuxuu meesha ka saaray dacwadii maxkamada.
"Dowladda ha
is-casisho” ayey ku qeylinayeen boqolaal ka mid ah taageerayaasha Imamoglu oo
isugu soo baxay dibadda xafiiskiisa kadib markii xukunka lagu dhowaaqay.
Isagoo ku sugan
xaruntiisa dowladda hoose ee Bosphorus ee dhinaca Yurub ee Istanbul, ayaa wuxuu
u sheegay kumannaan qof oo taageerayaashiisa ah in xukunku uu calaamad u yahay
"sharci-darro qotodheer" oo "caddaysay inaan caddaaladi ka jirin
Turkiga maanta.”
Waxa uu sheegay in
cod-bixiyeyaashu ay ka jawaabi doonaan doorashada madaxtooyada iyo baarlamaanka
ee loo qorsheeyay bisha June ee soo socota.
"Waxa halkan ka dhacay
waxay ku dhici karaan qof kasta,” ayuu ku digay Imamoglu. "Waxaan ka dhigi
doonnaa kuwa na xukumay inay ka shallaayaan wixii ay nagu sameeyeen marka la
tago sanduuqa codbixinta."
Maxkamadda ayaa
diiradda saartay hadal uu Imamoglu u jeediyey weriyayaasha bilo kadib markii uu
ka adkaaday musharax ay xulafo yihiin Erdogan, doorasho ku celis aheyd kadib
markii la nasakhay middii koowaad.
Saraakiisha ayaa
sheegay inay heleen boqollaal kun oo "codad laga shakisan yahay ah"
kadib markii Erdogan uu diiday inuu qiro guushii koowaad Imamoglu.
Go’aanka ayaa si
xooggan u ceebeeyey xisbiga Erdogan, kadib markii doorashadii lagu celiyey uu
si aan shaki laheyn mar kale ugu guuleystay Imamoglu.
Imamoglu ayaa kadib si
caro leh u hadlay isaga oo kuwii nasakahy doorashada ugu yeeray "doqomo.”
Maxkamad ku taalla
Istanbul ayaa Imaamoglu ku xukuntay labo sano iyo todobo bilood iyo bar oo
xarig ah, kadib markii lagu soo eedeeyay aflagaadeyn.
Waxa kale oo ay
dabaqday qodob gaar ah oo ka mid ah xeerka ciqaabta oo Imamoglu ka mamnuucaya
siyaasadda.
Ka-mamnuucidda
siyaasadda ee Imamoglu ayaa imaaneysa iyadoo xisbiyada mucaaradka Turkiga ay
wali ka doodayaan cidda la tartami laheyd Erdogan doorashada madaxtinimada ee
soo socota.
Codbixinta June 2023
ayaa noqon karta caqabadii ugu weyneyd ee dhanka siyaasadda ah ee soo wajahda
Erdogan, kaas oo doonaya in uu xukunka ku kordhiyo tobanka sano ee soo socota
isaga oo wajahaya hoos u dhaca lacagta iyo sicir bararka baahsan ee kor u qaaday
qiimaha nolosha ee Turkiga.
Duqa magaalada Istanbul
ayaa ka mid ah hoggaamiyeyaal faro ku tiris ah oo codbixinta ra’yiga ay
muujineyso inuu ka guuleysan karo Erdogan.
VOA