"Cid kasta oo Cod Dadweyne lagu Doorto waxaa Bedeli kara Cid kale oo Cod dadweyne lagu doortay".

0
Friday December 16, 2022 - 09:21:32 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 903
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Cid kasta oo Cod Dadweyne lagu Doorto waxaa Bedeli kara Cid kale oo Cod dadweyne lagu doortay".

    "Golayaal deegaan oo la doortayna waxaa bedeli kara oo kaliya golayaal deegaan oo la doortay"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Golayaal deegaan oo la doortayna waxaa bedeli kara oo kaliya golayaal deegaan oo la doortay"



 

Hargaysa (HWN) Siyaasi Kaysar Maxamed oo xilal kasoo qabtay dawladii Siiraanyo  ayaa sheegay in  cidkasta oo cod dadwayne lagu doortay ay badeli karaan oo keliya cidkale oo lagu doortay Cod dadwayne.

Siyaasi Kaysar ayaa sidaasi ku sheegay qoraalkan hoose oo uu baahiyay:-

 

"Cid kasta oo Cod Dadweyne lagu Doorto waxaa Bedeli kara Cid kale oo Cod dadweyne lagu doortay.



1. Madaxweyne Cod lagu doortay waxaa bedeli kara oo keliya Madaxweyne Cod lagu doortay xataa haddii ay Labaatan Sanadood qaadanayso.


2. Xildhibaano Cod lagu doortay waxaa bedeli kara Xildhibaano kale sida kuwii hore ee 15 Sanadood fadhiyay, iyaga oo ay muddo dhaaftay xiligii la doortay ayay hadana Xildhibaano ahaayeen.


3. Golayaal deegaan oo la doortayna waxaa bedeli kara oo kaliya golayaal deegaan oo la doortay sidii kuwii hore oo fadhiyay Sagaal Sanadood.


4. Xisbiyo Qaran oo Cod Dadweyne ku yimina waxaa bedeli kara oo keliya Xisbiyo Qaran oo kale oo Cod Dadweyne ku yimi, iyagaa Xisbiyo ka ahaanaya Dalka ilaa inta Xisbiyo kale Cod Dadweyne lagu dooranayo.


Doorashadii 2010 Saddexdii Xisbi ee Kulmiye, UCID iyo UDUB waxay Doorashadii Madaxtooyada galeen iyaga oo Liisankoodii Xisbinimo dhacsan yahay.


Cidii wax kale la shir timaada waxoodu waa AAA UUU .....

Kaysar Maxamed

Loading...
Loading...