Nin Gabdhaha Uu Shukaansado 'Kabaha Ka Xadi Jiray' Oo Maxkamad La Geeyay

0
Friday December 16, 2022 - 09:05:22 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 871
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Nin Gabdhaha Uu Shukaansado 'Kabaha Ka Xadi Jiray' Oo Maxkamad La Geeyay

    "Gabadhan oo shaqo ku maqneyd markii ay guriga dib ugu laabatay"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Gabadhan oo shaqo ku maqneyd markii ay guriga dib ugu laabatay"



Waxaa si weyn baraha bulshada iyo warbaahinta Kenya looga hadal hayaa nin la sheegay in uu kabo u kala xadi jiray gabdho uu la haasaawi jiray.

 

Ninkan oo lagu soo oogay dacwad ku saabsan in uu geystay falal xatooyo ah ayaa kabo iyo Laptop uu ka xaday saaxibtii siiyay gabadh kale uu shukaansan jiray.

 

Ryan Lusalishi ayaa lagu eedeeyay intii u dhexeysay 7 iyo 8 November in gabadh la yiraahdo Elizabeth Okumu oo ku sugneyd Nairobi uu ka xaday boorso uu ku jiray Laptop.

 

Gabadhan oo shaqo ku maqneyd markii ay guriga dib ugu laabatay waxay waysay Laptop-keedii, kabaheedii iyo kaarkii bankiga ee ay lacagta kula bixi jirtay, sida uu ku warramay wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa Kenya.


Loading...
Loading...