Xidhiidhka Kubadda Cagta Morocco Oo Dacwad U gudbiyey FIFA
Xiriirka kubbada cagta
Morocco (FMRF), ayaa u gudbiyey dacwad xiriirka kubbada cagta adduunka ee Fifa,
taasoo ku saabsan garsoorihii dhex dhexaadinayay kulankii Arbacadii ee afar
dhamaadka koobka adduunka, uga adkaadeen xulka difaacanaya koobka adduunka ee
ka socda dalka Qatar.
FMRF ayaan ku
faraxsaneyn in garsooraha reer Mexico ee, Cesar Ramos, uu ku guul daraystay
inuu rigoore u dhigo qaybtii hore ee ciyaarta kooxda ka socotay Waqooyiga
Africa, markii Theo Hernandez uu si khalad ugu gafay Sofiane Boufal, aagga lagu
helo gool ku laadka.
Halkii lagu abaal marin
lahaa rigoore, taasoo dhowr dhinac ay dareemeen inay ku habboon tahay, Ramos
ayaa taa beddelkeeda jaale ku qaatay Boufal, oo qalad uu ka galay.
Kooxdii ugu horeysay ee
Afrikaana, haddana dhanka kale Carab ah oo u gudubta heerka afar dhamaadka
Koobka Adduunka, Morocco ayaa loogga badiyay 2-0.
Kadib markii uu qeybta
hore uu u dhaliyay daafaca bidix Hernandez gool kooxda Faransiiska, halka
goolka labaadna uu u dhaliyay Randal Kolo Muani, oo bedel ku soo galay.
"FMRF waxa ay u
qortay hay'adda ay khusayso dacwad, taasoo ah inay dib u eegis ku sameyso
go'aamadii garsoorayaasha, ee ka diiday kooxda Morocco laba rigoore oo aan lagu
murmi Karin, marka loo eego aragtida dhowr garsoore oo takhasus u leh,"
ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay guddiga xukunka ee Morocco.
"FMRF waxay si
isku mid ah ula yaabtay in caawiyaha garsooraha ee fiidiyowga (VAR) uusan ka
falcelinin xaaladahan."
BBC