Muxuu Daarannaa Kulanka Dhex-maray Xukuumadda Somaliland Iyo Shirkadda Genel Energy?

0
Thursday December 15, 2022 - 07:22:10 in News by A. Asbaro
  • Visits: 2073
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muxuu Daarannaa Kulanka Dhex-maray Xukuumadda Somaliland Iyo Shirkadda Genel Energy?

    Muxuu Daarannaa Kulanka Dhex-maray Xukuumadda Somaliland Iyo Shirkadda Genel Energy?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muxuu Daarannaa Kulanka Dhex-maray Xukuumadda Somaliland Iyo Shirkadda Genel Energy?



Hargeisa(HWN):-Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed, ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay Agaasimaha dhinaca farsamada ee Shirkadda Genel Energy Mike Adam iyo masuuliyiin kale.



Sida lagu sheegay war-qoraal kooban oo Ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, wasiir Maxamed Kaahin Axmed oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maxamed Yuusuf, waxa ay kulan dhawr saacadood qaatay la yeesheen madaxda Shirkada caanka ku ah qodista Shiidaalka ee Genel Energy oo Baadhista iyo qodis shiidaal ka wadda Somaliland.

Warka ka soo baxay wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland, waxa lagu yidhi, "Kulankan ayaa ahaa is xogwaraysi kooban, iyadoo shirkada Genel Energy ay dedaal ugu jirto sidii loogu guulaysan lahaa in Somaliland loo soo saaro khayraadkeeda ku duugan, taasoo ay qayb ka mid ah degaanada Jamhuuriyadda Somaliland ay ka wado shirkada Genel Energy baadhis iyo qodista shiidaalka, rajo aad u wayna laga qabo in lagu guulaysto.

Horumarka ay Jamhuuriyadda Somaliland ku socoto iyo higsiga ay Somaliland ku doonayso in ay la soo baxdo khayraadkeeda waxaa sabab u ah isku duubnida Xukuumadda iyo shacabkeeda, iyadoo meel loogu soo wada jeedo ilaalinta nabadgelyada iyo horuumarka dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Madaxda Ka socotay Shirkada Genel Energy waxa ay kala ahaayeen Mike Adam’s, Michael Hohbein, Ibraahin Xasan, Abdi Din Janale iyo James Hopkinson.

Loading...
Loading...