Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo ka wada Mareykanka

0
Wednesday December 14, 2022 - 10:27:52 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 734
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo kulamo ka wada Mareykanka

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa soo bandhigay dhibaatada xooggan

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa soo bandhigay dhibaatada xooggan


May be an image of 6 people and people standing


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay Shir-madaxeedka Iskaashiga Afrika iyo Mareykanka ayaa kulan doceed ku saabsan xasilloonida Gobolka iyo isku xirka arrimaha gargaarka binu aadantinimada la qaatay Xoghayeyaasha Arrimaha Difaaca iyo Dibadda ee dalka Maraykanka.


Kulanka ayaa waxaa ka qeyb-galay Madaxweyneyaasha dalalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Nayjar Mohamed Bazoum, waxayna Madaxdu adkeeyeen dhibaatada argagixisada ay ku hayso horumarka iyo xasilloonida qaaradda, iyadoo wadajir loo bogaadiyey guulaha muhiimka ah ee Ciidamada Soomaaliyeed ay ka gaareen howgallada xoreynta deegaannada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan.


 

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa soo bandhigay dhibaatada xooggan ee abaaruhu ay u geysteen nolasha dadka Soomaaliyeed iyo sida isbeddelka cimiladu uu qeyb weyn uga yahay, waxa uuna bogaadiyey qorsheyaasha ku saleysan in wadajir la isaga kaashado arrinkaas, iyadoo dowladda Soomaaliya ay mudnaan gaar ah siineysa daryeelka deegaanka iyo la qabsiga isbeddelka cimilada.


Sidoo kale, Madaxda ayaa wada jir u xoojiyey qorsheyaasha lagu lafa-gurayo Madasha Iskaashiga Afrika iyo Maraykanka, gaar ahaan in lagu garab istaago dowladaha Soomaaliya hiigsigeeda horumarineed iyo tallaabooyinka hor-u-socodka ah ee ay qaadeyso oo salka ku haya daris-wanaagga, iskaashiga, isku duubnida dhaqaale, amni iyo siyaasadeed.

Loading...
Loading...