Madaxweyne Ramaphosa Oo Ka Badbaaday Codka Kalsoonida

0
Wednesday December 14, 2022 - 08:45:11 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 483
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Ramaphosa Oo Ka Badbaaday Codka Kalsoonida

    "Fadeexaddan oo markii hore ay warbaahintu baahisay ayaa Ramaphosa beeniyay"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Fadeexaddan oo markii hore ay warbaahintu baahisay ayaa Ramaphosa beeniyay"



Baarlamaanka Koonfur Afrika ayaa Talaadadii diiday dacwadda xil ka qaadista ee ka dhanka ah madaxweyne Cyril Ramaphosa, sida uu shaaciyay guddoomiyaha Baarlamaaka dalkaas.

 

Xubnaha Baarlamaanka ayaa u codeeyay inay diidaan warbixin ay soo saareen guddi khubaro ah oo helay caddaymo horudhac ah oo muujinaya in Ramaphosa laga yaabo inuu ku kacay anshax-xumo la xiriirta lacag lagu qariyay beertiisa.

 

Fadeexaddan oo markii hore ay warbaahintu baahisay ayaa Ramaphosa beeniyay inuu wax khalad ah sameeyay.

 

Madaxweyne Cyril Ramaphosa, ayaa waxa uu ka horyimid warbixinta maxkamada, balse qaar ka mid ah mucaaradka ayaa ku baaqay in uu iscasilo.

 

VOA


Loading...
Loading...