Gudoomiye Ciro Oo Wada Hadal Ugu Baaqay Madaxweyne Muuse Biixi
Hargeysa(HWN):-Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro ayaa wada hadal ugu baaqay madaxweyne Muuse Biixi.

Gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Ciro ayaa fariin uu ku baahiyey bogiisa Twitter-ka waxa uu ku sheegay inay diyaar u yihiin wada hadal lagu dhameeyo khilaafka ka taagan doorashooyinka gaar ahaan arimaha la xidhiidha guddida doorashada.
Gudoomiye Cirro ayaa qoraalkiisa ku yidhi "Xilka qabashada doorashooyinka SL ee Wakiilada iyo Deegaankuba waxa uu saaran yahay M.Muuse, Haddii berri la qabanayo doorashooyinka Xisbiga WADDANI waa u diyaar. Waxa aanu diyaar u nahay in qabyooyinka doorashada ee uu dhismaha KDQ ugu horeeyo miisa wada-hadalka lagu dhammeeyo.”
![]() |


0 






