Kulan Ka Dhacay Madaxtooyada Soomaaliya Oo Lagaga Hadlay Arimaha Somaliland Iyo Madaxweyne Farmaajo Oo Bahdilay Masuuliyiintii La Kulmay.
Muqdisho(HWN):-Kulan lagu soo qaaday arimaha somaliland ayaa ka dhacay madaxtooyada dawlada federaalka ah ee soomaaliya.
Shirkan oo uu abaabulkiisa lahaa gudoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka soomaaliya ayaa waxa uu dhexmaray madaxweyne Farmaajo oo dhinac ah iyo sadexda masuul ee ugu sareeya xubnaha somaliland ee xilalka ka haya dawlada Muqdisho kuwaas oo kala ah gudoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdilaahi, Gudoomiyaha Maxkamada Sare garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed iyo raysal wasaare ku xigeenka Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar).

Wararka laga helay kulankaasi ayaa shaaciyey in lagaga hadlay dib u eegis lagu sameeyo saamiga ay beesha dhexe ee somaliland ka heshay dawlada federaalka ah, agaasimeyaasha iyo qaybaha kale ee xukuumada.
Gudoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdilaahi oo u hadlay xubnaha kulanka la qaatay madaxweyne Farmaajo ayaa madaxweynaha u soo jeediyey inuu dib u bilaabo wada hadalkii somaliland iyo soomaaliya isaga oo sheegay in somaliland ay diyaar u tahay, waxaanu ka gaabsaday inuu sheego in cid ka tirsan dawlada somaliland oo u soo igmatay inuu arintan miiska kulanka soo dhigo, iyada oo qorshaha aanay ku jirin arimaha la xidhiidha wada hadalka labada dawladood.
Dhinaca kale wararka ayaa xaqiijiyey in madaxweyne Farmaajo uu ka gaabsaday inuu jawaab ka bixiyo soo jeedinta gudoomiyaha aqalka sare, taas badalkeedana waxa uu dhaliilo huwiyey madaxweynaha somaliland Muuse Biixi Cabdi oo uu sheegay inaanu ahayn mid hada u bisil wada hadal uu la galo soomaaliya, isaga oo soo gaabiyey kulankii uu la qaadanayey masuuliyiintii ka soo jeeday somaliland martida ugu ahaa xafiiskiisa kuwaas oo uu ku war geliyey inuu kulamo kale leeyahay.
Masuuliyiintii kulanka la qaatay madaxweyne Farmaajo ayaan dhinacooda wararku sheegin go’aan ay ka qaateen hab dhaqanka aan wanaagsanayn ee ay kala kulmeen madaxweynaha.


0 





