UCID Oo War Ka Soo Saaray Kulan Xisbiyadu La Qaateen Komishanka Doorashooyinka

0
Monday December 12, 2022 - 19:24:55 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 2301
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    UCID Oo War Ka Soo Saaray Kulan Xisbiyadu La Qaateen Komishanka Doorashooyinka

    "Shirkan Saddexda Xisbi qaran iyo Koomiishanka Qaranku yeesheen Saaka"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Shirkan Saddexda Xisbi qaran iyo Koomiishanka Qaranku yeesheen Saaka"


 


Saaka oo maalin Isniina ay taariikhdu ahayd 12/12/2022ka waxa Xarunta guud ee Caasimadda Hargeysa ee Koomiishanka qaranka Jsl shir ku yeeshay Saddexda Xisbi qaran ee UCID ' Waddani iyo Kulmiye iyo Koomiishanka Qaranka.

 

Shirkan  Saddexda Xisbi qaran iyo Koomiishanka Qaranku yeesheen Saaka oo mudo Saacado ilaa galinkii hore oo dhan qaatay ayaa u jeedkiisu ahaa In Shacbiga jsl u diyaar garoobaan diwaan-galinta Codbixiyayaasha ee doorashooyinka ay ugu soo horayso Doorashada Sharciga ah ee Madaxtooyada iyo doorashada ururada siyaasada Taas oo ku mudaysan inay Koomiishanka qaranku dalka ka bilaabi doonaan 28 12 2022 ee Bishan aynu ku jirno.

 

Waxaanu Xisbi UCID ahaan ugu baaqaynaa Shacbiga JSL ee aan Fursad u helin in  ay hore isu diwaan-galiyaan gaar ahaan dhalinyar hada qaangaadhay' Qurba joogta iyo muwaadiniintii aanay diwaangelinihii hore ee u dambeeyey hore ugu suurto gelin qaadashada Kaadhka Codbixinta doorashooyinka oo Xaquuq Dastuuriya ah oo ay ku Dooranayaan Cidii Masiirkooda ay u Dhiibaan lahaayeen shacabka reer Somalilandna Mar kale ku dooran lahaayeen Hogaamiyihii Hagi lahaa Shan sano oo danbe, waa inay ka faa'iidaystaan fursadan qiimaha badan oo ay u diyaar garoobaan  is-diwaanta Kaadhka codbixinta ee dalka ka bilaabmi doonta dhawaan Inshaalaahu in ay ka faa’iidaystaan jaaniskaa cusub ee la siiyay in ay dib isu diwaan-galiyaan si aynu u doorano hogaan cusub oo dalkan u horseeda Horumar iyo Nolol jaban.

 

Wa Bilaahi Tawfiiq

Afah-yeenka Xisbiga UCID

Md: Maxamed Cali Bilaal


Loading...
Loading...