Maxaa Ka Dhex Socda Xisbiga Muxaafidka Ah Ee Kulmiye?

0
Monday December 12, 2022 - 12:45:51 in News by Abdi Good
  • Visits: 1183
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxaa Ka Dhex Socda Xisbiga Muxaafidka Ah Ee Kulmiye?

    Maxaa Ka Dhex Socda Xisbiga Muxaafidka Ah Ee Kulmiye?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxaa Ka Dhex Socda Xisbiga Muxaafidka Ah Ee Kulmiye?
May be an image of 6 people, people sitting, suit and indoor



Xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye, ayaa bilihii u dambeeyey waday dhaqdhaaqyo iyo shirar hoose oo u muuqday mid uu dib isugu habaynayo, xilli la galay jewi doorashooyin.

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ahna Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, ayaa hormuud ka ahaa kulamadan guddida fulinta ee Kulmiye yeelanayey bilihii u dambeeyey, kuwaas oo lagaga hadlayey sidii boodhka looga jafi lahaa, isla markaana ugu diyaargaroobi lahaa doorashooyinka soo socda, iyada kulankii u dambeeyeyna shalay dhacay.

Haddaba, kulamadan maxay daaran yihiin, waa maxay casharada laga bartay iyo duruufaha ku xeerani.

•Madaxweyne Muuse Biixi, oo mar kale cadeeyey inuu yahay Murrashaxa Kulmiye, isla markaana uuqaadan doono shanta sanno ee uu xaq u leeyahay.

•Damaca Madaxweyne ee inuu mar kale murrashax yahay, sida uu Guddida fulinta u sheegay, waxa farriin ku biyo ah u diray saaxiib Maxamed Kaahin oo quudaraynayey inuu wada noqdo Guddoomiyaha iyo murrashax Xisbiga.

•Madaxweynuhu wuxuu faray masuuliyiinta Kulmiye iyo kuwa Xukuumadda in ay dedaal xooggan geliyaan dib u habaynta iyo dardar gelinta haa laga Xisbiga Kulmiye.

•Tani waxa ay keentay in guddiyo xaqiiqo raadin ah loo diro Gobollada, isla markaana Wasiirro safar iyo kulamo la yeeshaan Taageerayaasha Kulmiye.

•Kulmiye, waxa uu is tusay in uu ku guuleystay wejiga hore ee arrimaha ka taagan doorashooyinka, taas oo keentay inuu dib isku noqdo oo isu diyaaro dib u dhis.

•Kulmiye waxa kale oo uu dejiyey wejiga labaad qorshihiisa, kan oo ah in Ururrada siyaasadda ee uu u arko in halis gelin karaan uu ka hortago, isaga oo adeegsanaya hab kala duwan oo wuu ku wiiqi karo awooddooda, kuwaas oo ay ka mid tahay in la furfuro, oo qaar la magacaabo iyo in Wasiirrada Xukuumaddu ka shaqeeya In ay yareeyaan saamaynta Kulmiye kaga iman karta Ururrada qaarkood ee deegaamadii looga codayn jiray ku cidhiidhin kara, iyaga oo isticmaalaya dhaqaale iyo mashaariic horumarineed.

Loading...
Loading...