3 Xisbi Qaran Ee Somaliland Oo Kulan La Qaatay Saaka Gudida Doorashooyinka

0
Monday December 12, 2022 - 12:12:32 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1275
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    3 Xisbi Qaran Ee Somaliland Oo Kulan La Qaatay Saaka Gudida Doorashooyinka

    "Ma jirto wax kulan ah oo Kominshanku la yeeshay Ururada cusub"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Ma jirto wax kulan ah oo Kominshanku la yeeshay Ururada cusub"



Hargaysa (HWN) Kominshanka Doorashooyinka Somaliland ayaa saaka kulan iskugu yeedhay Saddex xisbi qaran ee KULMIYE , WADDANI iyo UCID .

 

Xisbiyada  iyo Kominshanka ayaa ka wada hadlaya diwangalintii cod bixiyaasha oo 28 bishan dalka ka bilaabmi doonta, sida uu sheegay Muuse Biixi.

 

Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi ayaa sheegay in saaka kulankan Xisbiyada iyo komishanka lagaga wada hadlay diiwaangelinta oo keliya ee aan lagu soo hadal qaadin khilaafka doorashada.

 

Ma jirto wax kulan ah oo Kominshanku la yeeshay Ururada cusub iyada oo sababta ugu weyn  ee loo badinaayo inay qeyb uga noqon wayeen wada hadladan arimaha doorashooyinka ay tahay wax xeer ah oo aan loo haynin ururada .


Loading...
Loading...