"Dadka Reer Berbera Waxa Ka Nasiib Fiican Jirirdaha Dhirts!"

0
Monday December 12, 2022 - 09:31:21 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 613
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    "Dadka Reer Berbera Waxa Ka Nasiib Fiican Jirirdaha Dhirts!"

    "maamulka Degmaddu kaga mashquuleen baahiyaha aasaasiga ah dogobyadaa lataagtaagayo"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"maamulka Degmaddu kaga mashquuleen baahiyaha aasaasiga ah dogobyadaa lataagtaagayo"


 


Hargaysa (HWN) Xildhibaan Cabdirashiid Maxamed Xaaji Yusuf oo ka tirsan golaha deegaanka Degmada Berbera ayaa sheegay in shacabka degmada Berberi aanay daryeel wanaagsan ka helin Dawlada Maamulka dawladooda hoose.

 

Xildhibaanka ayaa sidaasi ku sheegay qoraal kan hoose oo uu baahiyay

 

"Marka aad si dhaw ugu kuurgasho xaalada magaalada Berbera waxaad moodaa in maamulka Degmaddu kaga mashquuleen baahiyaha aasaasiga ah dogobyadaa lataagtaagayo waxaanad is odhanaysaa dadka ku nool Berbera waxaa ka nasiib fiican jiridahaa la taagtaagyo.

 

Waayo Jiridahaa tuurtaa lagu qaadaa marka la taagona waa la waraabiyaa waana la xanaaneeyaa halka bulshada reer Berbera ka liitaan dhinacyada Arimaha bulshada ee ay ahayd in ay ka haqab beelaan marka loo eego dhaqaalaha soo gala Degmadda Berbera"


Loading...
Loading...