Urur Siyaasadeedka Shacabka oo soo Dhaweeyay Wareegto Muuse Biixi Soo Saaray

0
Monday December 12, 2022 - 09:19:58 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 642
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Urur Siyaasadeedka Shacabka oo soo Dhaweeyay Wareegto Muuse Biixi Soo Saaray

    "Waxaan taageerayaasha ururka Shacabka Somaliland iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaan taageerayaasha ururka Shacabka Somaliland iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland"


 


Hargaysa (HWN) Urur Siyaasadeedka Shacabka Somaliland ee  SPP ayaa soo dhaweeyay wareegtadii Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ku meel mariyay in Diwaaangalinta Codbixiyeyaasha dalka laga bilaabo guud ahaan dalka  28 Bishan

 

Guddoomiye ku Xigeenka koobaad ee  Urur Siyaasadeedka Shacabka Somaliland ee  SPP Maxamed Maxamuud Timo ayaa  ugu baaqay guud ahaan Shacabka Somaliland iyo taageerayasha Urur Siyaasadeedka SPP

in ay qaataan kaadhka Diwaaangalinta Codbixiyeyaasha,

 

Maxamed Maxamuud Timo ayaa sidaa ku sheegay qoraal uu soo saaray oo u dhignaa Sidan.

 

"Waxaan soo dhawaynayaa diwaangalinta codbixiyeyaasha ee 28/12/2022 ka bilaabmi doonta dalka  ee Madaxwaynuhu ku soo saaray wareegtada ku taariikhaysan 11-12-2022.

 

Waxaan guud ahaan Shacabka reer Somaliland ee aan haysan kaadhka cod bixinta in ugu baaqayaa inay isdiwaan geliyaan oo ay qaataan kaadhka codbixinta si ay masiirkooda siyaasiga ah iyo xuquuqdooda dastuuriga ahba u gutaan.

 

Waxaan si gaar ah ugu baaqayaa dhamaan taageerayaasha Ururka Shacabka Somaliland (SPP) inay u diyaar garoobaan diwaangalinta soo socota ee bilaabi doonta 28/12/2022

 

Waxaan taageerayaasha ururka Shacabka Somaliland iyo guud ahaan shacabka reer Somaliland ka codsanaynaa inay ilaaliyaan nabad gelyada iyo danta caamka ahba una diyaar garoobaan diwaangalinta.

 

Ugu danbayn waxaan halkan uga mohadcelinaya taageerayaasha ururka Shacabka Somaliland SPP oo runtii sababay inaanu ka mid noqono Ururada u tartamaya Xisbiyada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.”

 

 


Loading...
Loading...