Wiil Ku Geeriyoday Shil Baabuur Oo Ka Dhacay Hargeysa

0
Sunday December 11, 2022 - 19:43:57 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1028
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wiil Ku Geeriyoday Shil Baabuur Oo Ka Dhacay Hargeysa

    "Khaalid ayaa mootadiisa alaabooyinka fudud ugu kala qaadi jiray Hargeysa"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Khaalid ayaa mootadiisa alaabooyinka fudud ugu kala qaadi jiray Hargeysa"


 


Hargaysa (HWN) Mid kamid ah dhalinyarada ku shaqaysta gaadiidka mootada, ayaa geeriyooday kadib markii uu baabuur ku jiidhay suuqa magaalada Hargaysa, ee caasimada Somaliland.

 

Wiilka dhalinyarta ah ee magiciisa lagu sheegay Khaalid, ayaa geeriyooday kadib markii uu baabuur ku dhuftay xili uu mootadiisa kaga shaqaysanayay mid kamid ah suuqyada magaalada Hargaysa.

 

Khaalid ayaa mootadiisa alaabooyinka fudud ugu kala qaadi jiray magaalada Hargeysa, wuxuuna kamid ah daraasiin dhalinyaro noociisa ah, oo mootada ku xamaasha.

 

Dhalinyarada mootooyinka ku shaqaysta ee alaabooyinka u kala qaada magaalada Hargaysa gudaheeda, ayaa baryahan danbe aad usoo badanaya, waxaana badana adeegsada dukaamada iyo shacabka caadiga ah.


Loading...
Loading...