Maxay ka wadahadleen madaxweyne Xasan Sheekh iyo Maxamed bin Salmaan?

0
Sunday December 11, 2022 - 16:03:26 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 762
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay ka wadahadleen madaxweyne Xasan Sheekh iyo Maxamed bin Salmaan?

    Amiir Maxamed Bin Salmaan ayaa soo dhaweeyay guulaha ay dowladda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Amiir Maxamed Bin Salmaan ayaa soo dhaweeyay guulaha ay dowladda


May be an image of 4 people, people sitting and indoor


Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga waddanka Sacaduudi Carabiya ayaa la kulmay Ra'isul Wasaaraha Sacuudiga, ahna dhaxal-sugaha Maxamed bin Salmaan, waxayna ka wadahadaleen 'iskashiga iyo xoojinta' xiriirka labada dal.


'Amiir Maxamed Bin Salmaan ayaa soo dhaweeyay guulaha ay dowladda Soomaaliya ka gaartay dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta iyo naf-hurnimada ay muujiyeen ciidamada xoogga oo kaashanaya shacabka Soomaaliyeed si ay iskaga dulqaadaan dhibaatada kooxaha argagixisada. Waxa uuna muujiyey sida ay diyaar ugu yihiin taageero buuxda oo ay la garab istagaan dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed" ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Madaxtooyada kulankaas kadib.


Bayaanka Madaxtooyada ayaa intaas ku daray in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu "uga mahadceliyey dowladda iyo shacabka Boqortooyada Sucuudiga, garab istaagga ay u muujiyeen Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed, isagoo sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay ahmiyad gaar ah siineyso xoojinta xiriirka kala dhaxeeya caalamka."


Madaxtooyada ayaa intaas ku dartay in madaxweyne Xasan Sheekh iyo Maxamed bin Salmaan ay sidoo kale ka hadleen 'xasilloonida gobolka iyo danaha wadajirka ah ee ay wadaagaan labada shacab ee Soomaaliya iyo Boqortooyada Sucuudi Carabiya."


voa/somali

Loading...
Loading...