Ex. Madaxwayne Muse Biixi Oo Soo Saaray Xeer Doorashada La Xidhiidha

0
Sunday December 11, 2022 - 15:17:25 in News by Xaaji Faysal
  • Visits: 1707
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ex. Madaxwayne Muse Biixi Oo Soo Saaray Xeer Doorashada La Xidhiidha

    Waxaanu u dhignaa Xeerka Madaxweynuhu Sidan:-

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaanu u dhignaa Xeerka Madaxweynuhu Sidan:-

Xeer MADAXWEYNE-11-12-2022.

Madaxweynihii Hore Muuse Biixi Cabdi waxa uu Xeer Madaxweyne hore oo sumadiisu tahay Lr. 18/122022 uu ku meel mariyey Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha Doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland.


Waxaanu u dhignaa Xeerka Madaxweynuhii hore Sidan:-
Xeer Madaxweyne hore Lr. 18/122022
Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha

Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Somaliland;
Markaan Arkay: Qodobka 44aad ee Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha Xeer Lr. 91/2020;

Markaan Helay: Qoraalka Soo-jeedinta ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka ee summaddiisu tahay KDQ/XK-6/019/2022, kuna taariikhaysan 07/12/2022, ujeeddadiisuna tahay, Ku-dhawaaqidda Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha;

Markaan Ku-qancay: Soo-jeedinta wakhtiga qabashada Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha Doorashooyinka ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka;
Waxaan Go’aamiyey;

In Diiwaan-gelinta Cod-bixiyeyaasha Doorashooyinku ka-bilaabanto Dalka Somaliland Maalinta Arbacada ee taariikhdu tahay 28/12/2022.

Allaa Mahad Leh

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland
Loading...
Loading...