Morocco Oo Taariikh U Qortay Afrika Ka Dib Markii Ay 1-0 Kaga Badisay Portugal

0
Sunday December 11, 2022 - 09:18:03 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 679
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Morocco Oo Taariikh U Qortay Afrika Ka Dib Markii Ay 1-0 Kaga Badisay Portugal

    "Waxa aan ka hornimid kooxda adage e Portugal. Waxa aan ciyaarta ka hor u sheegay ciyaartoyda"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxa aan ka hornimid kooxda adage e Portugal. Waxa aan ciyaarta ka hor u sheegay ciyaartoyda"



Morocco ayaa noqotay dalkii u horreeyey ee Afrikaan ah ee gaara wareegga afar dhammaadka (semi-final ee Koobka Adduunka ka dib markii Youssef En-Nesyri uu qeybtii hore ee ciyaarta gool ka dhaliyay xulka Portugal ciyaar Sabtida maanta ah ka dhacday garoonka Al Thumama Stadium.

 

Libaaxyada Atlas oo sidoo kale ah kooxdii ugu horeysay ee Carbeed ee u gudubta wareegga afar dhamaadka, ayaa Portugal ku daray liiska dalalka reer Yurub ee ay ka reebeen Koobka Adduunka.

 

Morocco ayaa hoggaanka ciyaarta u qabatay daqiiqaddii 42-aad markii uu En-Nesyri shabaqa ku hubsaday goolkii ay xulkiisa guushu ku raacday.

 

"Waxa aan ka hornimid kooxda adage e Portugal. Waxa aan ciyaarta ka hor u sheegay ciyaartoyda in ay tahay in aan taariikhda u qorno Afrika. Aad iyo aad ayaan u faraxsanahay,” ayuu yiri Walid Regragui oo ah tababaraha xulka Morocco.

 

Xulka Morocco ayaa wajihi doona xulkii ka soo baxa ciyaarta goordhow dhexmari doona dalalka England iyo Faransiiska oo isagu difaacanaya koobka.

 

Morocco ayaa aaminsan in ay ka adkaan karto labada xul kii soo baxa maadaama intii uu Koobka Adduunku socday halmar oo kali ah gool laga dhaliyay.


Loading...
Loading...