Faa'iidooyinka Laga Helo Cunidda Calooleyda "Caloosha"
Calooleyda ayaa inta
badan la jar jaraa, waxay dadka inta badan isticmaalaan midda ariga iyo idaha.
Bulshooyinka qaar ee
adduunka ayaa muddo dheer u adeegsanayay calooleyda. Waxaana laga helaa
maqaayadaha ku yaalla Asia, Afrika, qeybo kamid ah Amerika iyo Yurub.
Waana laga helaa
faa’iidooyin badan oo caafimaad marka loo barbardhigo hilibka kale ee caadiga
ah.
Waxaa la cabaa fuudka
calooleyda, dadka qaar waxy shiilaan calooleyda oo ay dhadhan u yeelaan.
Caafimaad ahaan,
calooleyda waxaa laga helaa faa’iido badan oo isugu jiro borotiin iyo
nafaqooyin kale oo muhiim u ah caafimaadka.
Faa’iidooyinka laga
helo calooleyda
Calooleyda waxaa laga
helaa fitamiinno iyo macdan kale oo muhiim u ah jirkeenna, marka la cuno
calooleyda waxaa laga helaa waxyaabo u wanaagsan caafimaadkeenna, sida ay ku
warrameyso warbaahinta Webmd.com oo ka faallooda arrimaha caafimaadka.
Waxay ka hortagaa dhiig
yarida
Calooleyda waxaa si aad
ah ugu badan fiitaamiin B12, taas oo ka hortagta dhiig yarida gaar ahaan qofka
la daala dhacaya dhiig yarida ee socon karin.
Waxay caawisaa dhismaha
lafaha iyo murqaha
Calooleyda waxaa laga
helaa borotiin, borotiinka wuxuu qofka ka caawinayaa inay dhismaan murqaha iyo
lafaha.
Calooleyda waxaa laga
helaa dhammaan 9-ka maaddo ee loo yaqaanno amni acids ee uu u baahan yahay
jirkeenna si uu u shaqeeyo, sida ay ku warrameyso barta Healthline.com oo ka
faalloota arrimaha caafimaadka.
Waxaa ka buuxaa macdan
iyo fitamiinno
Calooleyda waxaa ku
jiraa maaddooyinka ay ka mid yihiin, Zinc, Selenium iyo calcium.
Macdanta Zinc waxay
dadka ka caawisaa unugyada, shaqooyinka uu qabto difaaca jirka iyo in jirka uu
shiido cuntooyinka laga helo carbohydrate.
Macdanta Selenium waxay
qofka ka caawisaa hagaajinta hiddesidaha, caafimaadka qumanka.
Miisaan dhimista
Qaadashada cuntooyinka
ay ku badan yihiin borotiinka waxay qofka ka caawiyaan maamulka cunto
qaadashada iyo miisaan dhimista.
Calooleyda waxaa ku yar
maaddada Calories marka loo barbardhigo cuntooyinka kale, qaadashada
cuntooyinka uu ku badan yahay borotiinka waxay qofka ka caawiyaan in uu dhimo
miisaanka isla markaana waxaa hoos u dhacaya heerka cunta qaadashada, sida uu
ku warramayo website-ka Healthline.com
Halista calooleyda
Calooleyda waxaa ku
badan kolestaroolka marka loo barbardhigo hilibka kale, dadka qaar ee qaba
kolestaroolka ayaa laga yaaba inay siyaabo kala duwan ay u saameyso.
BBC