Cunto Maku Dhedhemisay Dhegaha?

0
Sunday December 11, 2022 - 09:05:30 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 445
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cunto Maku Dhedhemisay Dhegaha?

    "Maskaxdeennu way jeceshahay raashinka jirka sida dhakhsada ah usoo galiya tamarta"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Maskaxdeennu way jeceshahay raashinka jirka sida dhakhsada ah usoo galiya tamarta"



Sida aan u jecel nahay calaalinta raashinka, sida baradhada la dubay, buskudka iyo raashinka kale ee quraac ahaanta loo cuno waxay si qota dheer ula xiriirtaa shanqarta aan maqleyno marka aan ruugeyno, sida uu sheegay Charles Spence, oo ah seynisyahan ka tirsan jaamacadda Oxford.

 

Shanqartu waa "dookh la illoobay".

 

Mr Spence, oo khabiir ku ah dhinaca cilmi nafsiga wuxuu ku adkeysanayaa in ku istareexidda raashinka aysan ku ekeyn oo kaliya afka, sanka iyo indhaha - balse sidoo kale dhagaha xitaa ay qeyb ka yihiin.

 

Mar walba wuxuu ku raaxeystaa raashinka marka uu ruugayo shanqara, sida baradhada la qallajiyay markii la bisleeyay kaddib.

Muddo ku dhow 20 sano ayuu baaritaan ku hayay sida ay maskaxdeenna ula shaqeyso shanqarta iyo dareenka jirka, gaar ahaan marka aan wax cuneyno.

 

"Burburinta raashinka, codka sameysma marka ilkaha lagu ruugayo, shanqarta qaaddada iyo saxanka ama xitaa muusiga aan dhageysanno marka aan wax cuneyno, dhammaan shanqarahaasoo dhan waa khibradda aan sida joogtada ah ula kulanno," ayuu ku yidhi BBC-da.

 

"Qaarood ayaa kuwa kale ka xiiso badan," ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Spence wuxuu daraasaddiisa ku saabsan dhinaca raashinka ka qoray buug laga heli karo sheybaarka jaamacadda Oxford.

 

Wuxuu wadashaqeyn la sameeyay dad caan ku ah aqoonta ku saabsan raashin karinta, oo ay ka mid yihiin Ferrán Adriá oo u dhashay dalka Spain iyo Heston Blumenthal oo ku sugan UK. Ujeeddadiisu waxay ahayd inuu kordhiyo khibraddiisa ku aaddan cilmi-baaristaas.

 

Seynisyahankan wuxuu aaminsan yahay in cunista raashinka ay ka adag tahay sida aan moodeyno, gaar ahaan marka laga hadlayo raashinka shanqarta sameeya.

 

Fikirkaasna kaligiis kuma koobna.

"Waxaa jira waxyaabo ku farxad galinaya marka aan raashinka cuneyso: carafta, dhadhanka, eegista iyo codka," ayey tidhi Amanda Miles- oo ah khabiir ku takhasustay raashinka.

 

"Wax ka fiicanna ma jiro raashin shanqar sameynaya marka aad ilkaha saarto."

 

Waxaa jira cuntooyin badan oo shanqar sameeya marka la cunayo, waxaana ka mid ah kuwa lasoo warshadeeyo ee laga sameeyo baradhada iyo buskudka iyo waliba kuwa dabiiciga ah ee uu ka mid yahay lawska.

 

Dadka qaar waxay sheegaan in cuntooyinka caafimaad darrada laga qaado ay inta badan yihiin kuwo qallalan.

 

Charles Spence wuxuu sameeyay tijaabooyin badan oo uu ku baarayay noocyada raashinka ay dadka ugu jecel yihiin.

"Sababta aan u jecel nahay cuntooyinka qallan ee shanqara marka la ruugayo wali lama oga," ayuu yiri.

 

Intaas waxaa sii dheer in cuntooyinka qallalan ee ruugista ku shanqara, sida buskudka shaaha lagu cabo ay keenaan baruur uu qofka ku cayilayo.

Spence wuxuu yiri: "Maskaxdeennu way jeceshahay raashinka jirka sida dhakhsada ah usoo galiya tamarta iyo baruurta - xaqiiqdii, ugu yaraan 60% ka mid ah maskaxda lafteeda ayaaba ka kooban baruur."

 

"Taas waxay sharraxaad ka bixin kartaa sababta aan mar walba u doorbidno cuntooyinka qallalan ee shanqara," ayuu yiri.

 

Balse Amanda Miles-Ricketts oo sameysa la talinta ku saabsan cilmiga raashinka way walwalsan tahay.

 

"Raashinka caafimaad darrada laga qaado iyo kuwa lala qabsado ee mar walba aan laga maarmi karin waxay u badan yihiin cuntooyinka qallalan," ayey tiri.

 

BBC


Loading...
Loading...