Qaranku Ma Madaxweynaha? Q2 - Qalinkii Axmed-xiis Dharbaan
Mufakar Ingiriis ahaa oo la odhan jiray John Locke ayaa qadacay qaran waa hoggaanka. Locke waxa uu bilawgaba diiday dadku ma noolaan karaan
dawlad la'aan. Dawlada ayaa keenta wanaagga iyo aragtida odhanaysa
talada haloo daayo xukaamta.
John Locke oo wakhtigii Ameerika loo
guuray hantiyey beer, waxa afkaartiisa laga dhex arkayaa in ay
ridiyeyso laba sheegasho, teegeeraysana dood:
1. Waxa uu tageeray in dadka shacabka ahi ay yeelan karaan hanti, sida dhul.
2. Waxa uu diidayaa in Ameerika ay leeyihiin dadkii loogu yimid
2. Waxa uu diidayaa in Ameerika ay leeyihiin dadkii loogu yimid
3. Waxa uu diidayaa, Ameerika waxa leh waddamadii hellay.
Locke
waxa uu isu arkaa muwaadin. Hindidii cascasayd ee dhulka loogu yimid,
may lahayn dhulka maxa yeelay, iyagu waxa ay ahayeen reer guuraa.
Dhulka waxa leh ninka ku darsada tacab/labour.
Gumayste, ha noqdo
boqor ama ninkii kala ba'e ma go'aamin karo masiirka halkan. Halkan
waxa taladeedu u taalaa raga/haweenka dagan. Qarankuna waa af-garad
dhex mara bulsho.
Qarankii kootada ugu xidhnaa madaxda, waxa uu Locke ku celiyey mushtamicii wada dagganaa.
Dadku
waa ay karamaysan yihiin; waxa ay leeyihiin xuquuq ka horaysa
wajibaadka, nin waliba waa sagaal ku dhalay - All men are created equal.
Sabab qof loo daba fadhiisto meesha ma taalo.
Ereyada - Life,
liberty and the pursuit of happiness iyo All men are created eqaul. Waa
cagaha uu ku taagan yahay Maraykanku, Locke ayaa allifay.
Locke
waxa ay galbeedku ku nanaysaan Aabihii xoriyadda. Xoriyadda, waxa ay ka
wadaan madax-bananidii laga qaatay boqor ama hoggaamiye damaciisu noqdo
distuur.
Qolyaha xoriyadda u dooda waxa ay geeyeen qaranimadda
meel illaa hada laga soo celin kari la yahay. Adam Smith ayaa isagu
tilmaamay qarankuba in uu yahay saylada. Sayladda in la illaaliyo,
caddaalad lagu dhaqo weeye qaninimada qaranku. Adam waxa uu
dhiirigaliyey xoriyadda ganacsiga. Kaliya dawladu cashuur qafiif ah
ayaa ay ku leedahay shacabka. Qof kasta marka uu macalin ku yahay
dantiisa ayuu suuqo isu dheelitirmayaa.
John Stuart Mill oo ahaa
foollaadka xoriyadda, ayaa adkeeyey in dawladu ay faraha kala baxdo
nolosha mushtamaca iyo damacooda. Mill laba aragtiyood oo gadaashii
lala kala fogaaday ayuu iba furay kuwaas oo ahaa:
Positive Liberty: Dawladu in ay samayso haayado madax-banaan oo u addeega ka midho-dhalinta khayraadka ku kaydsan bulshada.
Negative Liberty: Dawladu waxa ay faragalin kartaa
nolosha shiqsiyaadka kaliya, marka shiqsigu uu dhibaato ku keenaayo
bulshada. Haddii shiqsigu uu naftiisa dhibayo - balwad IWM - isaga ayaa
ay u talaa, dawladu masuul kama aha.
Labadan firqadood, waxa ay
markii dambe u kala baxeen dawladu ha hagto dhaqaalaha waddanka iyo
mayee faraha hakala baxdo dhaqaalaha waddanka. Halka hadda aynu
maraynaa ma aha, waa ayo qaran? Waxa aynu joognaa, sidee loo maamulayaa
dhaqaalaha waddanka.
Qaranku ma sayladdaa?
Aragtida bidixda ee qaranimada iyo Q3
Axmed-xiis Dharbaan
[email protected]
Aragtida bidixda ee qaranimada iyo Q3
Axmed-xiis Dharbaan
[email protected]
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!
Loading...
Loading...