Ruushka Oo Xoojiyey Xadka Kala Dhexeeya Yukreyn Iyo Weeraro Cusub Oo Laga Filayo

0
Saturday December 10, 2022 - 09:25:22 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1110
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ruushka Oo Xoojiyey Xadka Kala Dhexeeya Yukreyn Iyo Weeraro Cusub Oo Laga Filayo

    "Nato oo uga Digtay Yukreyn Weeraro cusub oo uu dalka ruushku ku soo qaadayo"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Nato oo uga Digtay Yukreyn Weeraro cusub oo uu dalka ruushku ku soo qaadayo"


 


GERMANY(HWN) Dalka ruushka oo sii xoojiyey xududka u dhexeeya Dalka yukreyn , sidey ku soo warameyso Hay’adda sirdoonka dalka Ingiriisku.



Waxa Maalmihii ugu danbeyey uu dalka ruushku aad u adkeyey Xuduudihiisa u dhexeeya dalka uu dagaalka kula jiro ee Yukreyn, kuwaas oo ka cabsi qaba Weeraro kaga imaada dhinaca Dalkaas,

 

Waxayna warbixintu intaa ku dareysaa, in dalalka yurub ay ilaa maanta u diyaar yihiin Taageeradda iyo garabistaaga Waddanka yukreyn iyagoo ku eedeynaya Dalka ruushka in uu  khalad ku weeraray, waxana uu Madaxweynaha dalka  Ruushku uu ku Amrey Dhamaan ciidamada qalbka sida ee wadankaa iyo waliba wadniyiinta kale  in ay heegan ugu jiraan, cidii dooneysa in ay wax carqaladda ka dhex abuuraan wadankooda.

 

Waxaana ilaa goortu dagaalku bilaamey uu madaxweyne "putin" uu Xil iska saarey siduu u Adkeyn lahaa Xuduudihiisa iyo waliba ciidamadiisa kala duwan ee Qalabka sida.

 

Warbixintu wax kale oo ay sheegtay , In dhamaan dawladaha taageeraya Dalka Yukreyn ay diyaar u yihiin, Taageerada Dhaqaale iyo Waliba Qalbeynta ee ay siinayaan Dalkaas, Taas oo mar walba wuu dalku ruushku Canbareyn weyn u soo jeediyo.

 

 

Nato oo uga Digtay Yukreyn Weeraro cusub oo uu dalka ruushku ku soo qaadayo, isagoo imika sii Adkeyey Xeeladihiisa Kalee Difaaaca.

 

Xogeyaha guud ee "Nato" Jens Stoltenberg" ayaa sheegay In uu Dalka ruushku qorsheynayo Weeraro culus oo uu ku soo qadayo "yukreyn" isla bilwaga Sanadka Cusub,iyagoo ka cadheysan gacansiinta iyo Garab-joogsiga Dawladaha Ku midowbey Isbahaysiga Nato.

 

Waxa kale oo ay Helayaan Fariimo iyo hanjabaadyo kaga imanaya Dhinaca Dawlada Ruushka, gaar ahaan Safiirada iyo Diblumasiyada wadanka yukreyn kuwaas oo u badan, Dhiig iyo Indhaha Xaywaanka la Nooca Ah, Taas oo uu ku sheegay in ay tahay Fariin adag oo ka soo baxaysa Ruushka..

 

 

Guled Mahad, Germany

Hadhwanaagnews.com

Loading...
Loading...