Qodobada Ay Ka Wada Hadleen Somalia Iyo Shiinaha Oo Ku Kulmay Riyaadh
Madaxweynaha Soomaaliya
Xasan Sheekh Maxamuud iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa dalka Sucuudiga kaga
qaybgalay shir madaxeedka Shiinaha iyo dalalka Carabta. Intii kulanku socday,
madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulan doceed la yeeshay
madaxweynaha dalka Shiinaha Xi Jinping.
Warsaxaafadeed ka soo
baxay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu faahfaahiyey qodobada ay labada dhinac
ka wada hadleen. Warsaxaafadeedka ayaa sidan u dhignaa.
"Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb
galaya Shirka Shiinaha iyo dalalka Carabta ayaa kulan miro-dhal ah la qaatay
dhigiisa dalka Shiinaha Mudane Xi Jinping.
Madaxweynaha ayaa la
wadaagay Madaxweyne Jinping xaaladda dalka iyo dagaalka ka dhanka ah
argagixisada, isagoo xusay guulaha wax ku oolka ah ee ay gaareen Ciidamada
Soomaaliyeed oo kaashanaya bulshada deegaannada ay kuu dhuumaaleysanayaan
argagixisada Alshabaab.
Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Shacbiga ah ee Shiinaha ayaa tilmaamay in dalkiisu ay mar waliba
aaminsan yihiin midnimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya, isagoo soo bandhigay
sida ay uga go’antahay garab istaaga Jamhruuiyaddda Federaalka Soomaaliya, gaar
ahaan dagaalka ay kula jirto argagaxisada khawaaarijta, horumarinta kaabeyaasha
dhaqaalaha iyo xaqiijinta qorshaha deyn cafinta.
Sidoo kale, Labada
Madaxweyne ayaa ka wada hadlaya xiriirka taariikhiga ah ee labada dal iyo sida
Shiinuhu ay saaxiib dhow ula ahaayeen dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed,
iyagoo fuliyey mashaariic dhaxal-gal ah oo ilaa maanta ay dheefsadaan shacabka
Soomaaliyeed.
Madaxweynaha
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo si diirran
loogu soo dhaweeyey magaalada Riyaad ee dalka Sucuudiga ayaa halkaas kala qeyb
galaya Madaxda, Amiirrada iyo Boqorrada dalalka Carabta Madadha Iskaashiga
Shiinaha iyo Carabta oo lagaga arrinsanayo xoojinta xasilloonida mabdiqadda,
horumarinta, isbeddelka cimilada iyo ganacsiga." ayaa lagu yidhi
warsaxaafadeedka ka soo baxay madaxtooyada Soomaaliya.