Maxay Kawada Hadleen Boqor Buurmadaw Iyo Musharax CIRO Kulan Ku Dhexmaray Itoobiya?
Hargaysa (HWN) Boqorka Cismaan
Aw Maxamuud Maxamed (Buurmadow) oo kamid ah madax dhaqameedka ugu miisaanka culus
geyiga Soomaalidu degto, iyo Murashaxa Xisbiga xisbiga WADDANI Dr. Cabdiraxmaan
Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa kulan ku yeeshay Magaaladda Addis Ababa ee caasimadda
Waddanka Itoobiya.
Sidhab ah looma oga
qodobada ay kawada hadleen labadan masuul, balse xogaha ay heleyso shabakada Hadhwanaagnews
ayaa sheegaya in labada masuul kawada hadleen xaalada siyaasadeed ee Somaliland
wakhtigan ku sugantahay, taasi oo ka dhalatay khilaaf ka taagan doorashooyinka
Somaliland.
Boqor Buurmadaw ayaana
kamid ah dadka sida adag udhaliila siyaasada Muuse Biixi oo isagoo dhawr jeer
sheegay in Muuse ubaahanyahay in laga qabto dalka.