Saddex Jeer Oo Uu Dil Ka Badbaaday Madaxwaynaha Somaliya

0
Friday December 09, 2022 - 15:37:06 in News by Hadhwanaag News
  • Visits: 1172
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Saddex Jeer Oo Uu Dil Ka Badbaaday Madaxwaynaha Somaliya

    "Waxaan ka badbaaday ugu yaraan saddex isku day oo lagu doonayay in la igu dilo,"

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

"Waxaan ka badbaaday ugu yaraan saddex isku day oo lagu doonayay in la igu dilo,"



Horay ayuu madaxweynaha Soomaaliya uga hadlay weerarro ka dhacay meelo isaga u dhow iyo dhowr jeer oo uu isaga oo madaxweyne ah ka badbaaday dil.

 

Maqaal uu aragtidiisa ku cabirayay oo uu bartamihii sanadkan ku qoray wargayska "The Economist" ayu uku sheegay saddex jeer oo uu ku sigtay in la dilo.

 

"Waxaan ka badbaaday ugu yaraan saddex isku day oo lagu doonayay in la igu dilo," ayuu yiri madaxweynaha.

 

Isagoo sii faahfaahinaya ayuu intaas ku daray: "Saddexda jeerba waxay ahaayeen waqtigii hore ee aan madaxweynaha ahaa [intii u dhaxaysay 16 September 2012 – 16 February 2017].

 

"Isku daygii ugu horreeyay wuxuu dhacay maalintii ugu horraysay ee aan xafiiska imid; midka labaad wuxuu dhacay anigoo u socda masjid ku dhex yaalla xarunta madaxtooyada; midka saddexaadna wuxuu dhacay anigoo ku jira safar aan ugu socday magaalada Marka, oo aan ka xoraynay Al-Shabaab."

 

Weerarka ugu horreeyay ee uu Xasan Sheekh ka hadlay, oo ahaa qarax ka dhacay hoteelka Jasiira, waxaa lagu beegay xilli uu madaxweyna la shirayay mas'uuliyiin shisheeye ah.

 

Waxaa mas'uuliuuunya goobjoogga ahaa ka mid ahaa Wasiirkii Arrimaha Dibadda ee Kenya, Sam Ongeri.

 

Waxaa la shaaciyay muuqaal laga arkayay madaxweynaha oo isagoo hadlaya ay jugta qaraxa dhacday, una muuqday inuu gabbaday.

 

Tan iyo markii Xasan Sheekh Maxamuud xilka loo dhaariyay markii labaad, waxa uu ku celcelinayay in uu Al-Shabaab dagaal la geli doono, uuna qorshaynayo sidii uu uga guulaysan lahaa.

 

BBC


Loading...
Loading...