Mareykanka oo wax ka beddel ku sameeyey qoddob muhiim u ahaa Somaliland oo ku jiray Xeerka Difaaca Dalkaasi.

0
Thursday December 08, 2022 - 13:39:46 in News by Abdi Good
  • Visits: 2939
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Mareykanka oo wax ka beddel ku sameeyey qoddob muhiim u ahaa Somaliland oo ku jiray Xeerka Difaaca Dalkaasi.

    Mareykanka oo wax ka beddel ku sameeyey qoddob muhiim u ahaa Somaliland oo ku jiray Xeerka Difaaca Dalkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Mareykanka oo wax ka beddel ku sameeyey qoddob muhiim u ahaa Somaliland oo ku jiray Xeerka Difaaca Dalkaasi.

Guddi hoosaadyada arrimaha Dibedda, Amniga iyo hubka iyo ciidamada ku qaabilsan Goleyaasha Wakiillada iyo Odayaasha ee dalka Mareykanka, ayaa ansixiyey xeerka Difaaca qaranka dalkaasi oo ka kooban in ka badan 4 kun oo bog, iyada oo uu sugi doono Xeerkani ansixinta goleyaasha sharci dejinta.


Xeerkan waxa ku jira qoddob khuseeya Somaliland oo ka bilaabmaya bogga 1,174 ilaa 1,179, waxay qodobadani nuxurkoodu xambaarsanaayeen in Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Hay’adda horumarinta Mareykanka u qaabilsani ay warbixin iyo daraasad ku soo sameeyaan Somaliland, si xidhiidh iyo caawimo loo siiyo Somaliland, isla markaana xidhiidh dublamaasiyaddeed Mareykanku ula yeelan lahaa.

Haddaba, Xeerkan difaaca Mareykanka oo maraya heer gebo gebo ah, ayaa wax ka beddel lagu sameeyey qoddobadii hore ugu jiray ee khuseeyey Somaliland, markii Xeerku marayey marxalad qabyo-qoraalka ah. Waxaan meesha laga saaray weedhihii qayaxnaa ee ka hadlayey Somaliland, balse aan laga tegin nuxurkii guud ee uu xambaarsanaa ee ku saabsanaa Xidhiidhka Somaliland iyo Mareykanka.

Maxay yihiin isbeddelka qoddobadaas lagu sameeyey.

1. Qodobada waxa laga beddelay, waxa ka mid ah qoddobo qaddiyadda Somaliland si qayaxan uga hadlayey oo Golaha Wakiillada Mareykanku raaciyeen markii uu Drafka ahaa, kuwaas oo Senate-ku wax ka beddelay, waxaan meelihii ka mid ahaa la beddelay in xidhiidh toos ah laga yeesho Somaliland, iyada oo imika laga dhigay in danaha Ammaan iyo iskaashiga ee Mareykanku ka leeyahay Bariga Afrika, inkasta oo faahfaahinta xagga hore lagu sharaxayo Somaliland iyo waxyaabaha uu Mareykanka ka samaynayo.

2. Isbeddel lagu sameeyey waxa kale oo ka mid ah in kii qabyo qoraalka ahaa uu si toos ah ugu amrayey Waaxda fulinta ee Mareykanka in Somaliland xidhiidh toos ah lala yeesho oo Xafiis dublamaasiyaddeedna Mareykanku ka furto, balse kan dambe luuq ka fudud tii hore ayaa lagu qoray, iyada oo Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Hay’adda horumarinta Mareykanka u qaabilsan laga doonayo in ay warbixin iyo daraasad ku soo sameeyaan Somaliland, isla markana ay warbixinta iyo qaabka loo caawin karo Somaliland ku keenaan ilaa bisha June ee 2023-ka, kuna soo celiyaan Congress-ka.

3. Waxa kale oo ku jira in haddii Dawladda Somalia la siiyo ciwaanimo ama taageero, in Somaliland qaybteeda ay qaadato.

4. Sidoo kale, waxyaabaha ku cusub Xeerkan waxa ka mid ah in Somaliland gaar looga saaray Dawladda Federaalka ee Somalia iyo Maamul-goboleedyadeed.

Isbeddelada kooban ee lagu sameeyey Xeerkan, ayaa la aamisan yahay in Mareykanku u arkay in cadaadis dublamaasiyaddeed ku keeni karto danihii kala duwan ee Gobolka iyo in loo arko in uu baal marayo shuruucda caalamiga ah, hase yeeshee isaga oo danihiisa istiraatijiyaddeed eegaya ayuu haddana u muujiyey Somaliland inuu si gaar ah kula shaqaynayo, taageerada la siiyona si gaar ah loo siin doono.
No photo description available.

Loading...
Loading...