Maxay Madaxda Mucaaridku U Sheegeen Weftiyo Ka Socda Beesha Caalamka Oo Ay La Kulmeen?

0
Thursday December 08, 2022 - 13:29:06 in News by Abdi Good
  • Visits: 924
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maxay Madaxda Mucaaridku U Sheegeen Weftiyo Ka Socda Beesha Caalamka Oo Ay La Kulmeen?

    Maxay Madaxda Mucaaridku U Sheegeen Weftiyo Ka Socda Beesha Caalamka Oo Ay La Kulmeen?

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxay Madaxda Mucaaridku U Sheegeen Weftiyo Ka Socda Beesha Caalamka Oo Ay La Kulmeen?

Hoggaanka sare ee xisbiyada Mucaaradka Somaliland ee WADDANI iyo UCID, ayaa kulan wadajira la qaatay Ergo ka socota Dalka Norway oo kala ah, Heidi Johansen iyo Aykut Kumbaroglu.


Ergada iyo Madaxda Mucaaradka waxay ka wada hadleen, sidii dib loogu bilaabi-lahaa wada hadalladii Somaliland iyo Somalia.

Hoggaanka labada Xisbi waxay ergada u sheegeen in aanay wakhtigan la joogo haboonayn in la qabto wada hadallo u dhexeeya Somaliland iyo Somalia maaddaama xukumadda joogta muddo xileedkeedu dhammaaday sidoo kalena ay jiraan khilaafyo cakiran oo gudaha Somaliland ka jira, sidaas awgeedna wixii wada hadal ah dib loo dhigo inta ay qabsoomayso doorashada madaxtooyada.

Madaxda Mucaaradka ayaa sidoo kale Ergadan siiyay warbixin ku saabsan xaaladda siyaasadeed ee Dalka iyo mawqifkooda ku aaddan khilaafka cakiran ee ka jira Doorashooyinka.

Waxaanay intaasi ku dareen in Xukuumadda muddo xileedkeedii dhamaaday aanay ixtiraamayn sharciga oo ay samaysay sharci-jabin badan oo ay kamid tahay muddo kordhin aan sharci ahayn.
May be an image of 7 people, people sitting, people standing and text that says 'SMOKING'

Loading...
Loading...